Xukuumadda Somaliland Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqday Inay Awoodeeda Siyaasadeed U Isticmaasho Xaalada Tuko-raq

0
1012
Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire

Hargeysa , (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay Beesha Caalamku xogogaal u tahay kana dharagsan tahay xaalada ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan dagaaladii dhexmaray Somaliland iyo Puntland, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay si toos ah u soo gasho arinkan, oo awoodooda dhaqaale iyo awoodooda siyaasadeedba u isticmaasho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wuxuu baaq waano ah u diray bulshada reer Sool. Wasiir Sacad wuxuu isagoo ka hadlaya mawqifka Somaliland uu yidhi “Inagu waxaynu nahay umad nabadeed, waxaanu jecel nahay inaynu nabad kula noolaano jaarkeena oo dhan, waana nasiib daro iyadoo ay tahay bil Ramadaan in dagaalo iyo weerar is daba joog ah, oo gardaro ah in la inagu soo qaado, inagu dagaal ma wadno, oo waxaanu doonaynaa in wixii inaga dhexeeya inaynu wada hadal ku dhamaysano, oo dadka loo tudho, dadkeenu horumar bay u baahan yihiin, ee xabad uma baahna,dadka dabka hurinaya  waxaanu ugu baaqaynaa inay qaska iyo faragalinta naga dayaan, oo ay ixtiraaman bisha Ramadaan”.

Wasiir Sacad mar uu baaq u diraayey  dadka Gobolka Sool ayaa yidhi “Arinkani  arin la reereeyo maaha, Somaliland xad caalamiya ayey leedahay, xadkaas caalamiga ah reero badan baa ku nool, waliigoodna wey ku noolan jireen, laakiin dad leh ujeedooyin siyaasadeed ayaa doonaya inay reernimada u soo maraan, waxaanu ugu baaqaynaa dadka reer Sool ee la galinayo dabka iyo dhibaatada in aanay u dheg taagin baaqyada reeraysan ee ay wadaan dadka doonaya inay qas iyo nabadgalyo daro ka  dhex dhaliyaan deegaanka iyo dalkaba, dagaalkuna waa dab ee wax buu burburiyaa ee waxba ma dhiso, marka waxa loo baahan yahay in dadku meel uga soo wada jeedaan bari, galbeed, koonfur iyo waqooyiba wixii kala qaybinaya, ee qas iyo dhibaato u keenaya”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Puntland iyo Somaliya ayaa yidhi “Puntland iyo Somaliyaba waxaanu ugu baaqaynaa inay gardarada inaga joojiyaan, oo colaada iyo xumaanto wax aan kala fogaansho iyo xumaan ahayn ma keenayso, qof kasta oo dab huriya, dabku isaguun buu ku soo noqdaa, iyana uma baahna, inana uma baahnin, waxaanu ugu baaqaynaa Puntland iyo Somaliyaba inay joojiyaan abaabulka iyo muusanoowga ay wadaan, oo xabada joojiyaan, wixii tabasho ah ee jirina wada hadal ha ka bilaaban, ramadaantana xushmeeyaan, dadka soomana aanay bad galin”.

Mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka iyo waxay ka go’tay dagaalkan ayaa yidhi “Beesha Caalamku aad bay uga dharagsan tahay, arinka ka taagan jiida, cida gardaran iyo cida garta lehba, si fiican bay uga dharagsan yihiin, iyagana waxaanu ugu baaqaynaa inay isticlaaman awoodooda, sidii gardaradaasi isku taagi lahayd, gaar ahaan awoodooda siyaasadeed iyo awoodoodaba dhaqaalaba, waxaana xaqiiqo ah in aanay marnaba Somaliland wax gardaro ah wadin, xad ay ku xad gudubtayna aanu jirin, ee cida gardarada iyo xad gudubka wada waa la garanayaa”.

 

LEAVE A REPLY