Xukuumadda Somaliland Oo Amarro Ku Soo Rogtay Shirkadaha Isgaadhsiinta

0
331

Hargaysa (HP): Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tegnoolajiyada Somaliland ayaa amarro ku soo rogtay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bixiya addeegyadda isgaadhsiinta ee dalka ka hawl galla.
Waxaana wareegtadaasi lagu farray shirkadaha isgaadhsiinta in ay joojiyaan fariimaha xanbaarsan xayaysiisyada, ogeysiisyada, iyo wargelimaha ee ay shirkaduhu dadka macaamiisha ah u diraan.
Wareegtadaasi oo ka kooban afar qodob oo maanta soo baxday waxaa ku saxeexan wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta Somaliland Dr. Cabdiweli Suufi Jibriil.

Waxaana shirkadaha isgaadhsiinta lagu wargeliyay in talaabo laga qaadi doono shirkadda amaradaasi u hogaansami wayda, taasoo la sheegay in ay hirgeli doonto 1-da bisha January ee sanadka soo socda.
Wareegtadaasina waxay u dhignayd sidan.
“Wareegto wasiir oo nidaaminaysa fariimaha xanbaarsan xayaysiisyada, ogeysiisyada, oo hirgeli doonta koowda bisha January 1/1/2022, kana kooban qodobadan soo soda.
1: In shirkadaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin gaadhsiinta iyo la socodsiinta macaamiishooda adeegyada isgaadhsiineed ee ay iagu bixinayaan oo kali ah.
2: In fariimaha isgaadhsiineed ee xanbaarsan xayaysiisyada, ogaysiisyada ay shirkadaha isgaadhsiintu u qabanayaan cid kale ay ku gaadhi karaan macmiilka ogolaanshiyo laga helayo macmiilka.
3: In fariin kasta oo uu macmiilku helayo isla markaana xanbaarsan xaysiis, ogeysiis cid kale leedahay lahaato qayb awood u siinaysa macmiilka in uu iska xidhi karo, joojin karo.
4: In laga qaado shirkadda jabisa wareegtadan ganaaxyada uu qeexayo qodobka 73-aad ee xeerka boosha iyo isgaadhsiinta Somaliland Xeer.Lr.50/2020.”

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY