Xukuumadda Somaliland Maxay Ka Tidhi Socdaalka Garaad Jaamac Ee Laascaanood?

0
1577

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay war ka soo saartay socdaalka Garaad Jaamac Garaad Cali ee uu maanta ku yimid magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Horrumarinta Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa socdaalka Garaadka ku tilmaamay in uu yahay nin gurigiisii yimid, taasina ay caadi tahay.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in Garaad Jaamac Garaad Cali uu yahay Garaad reer Laascaanood ah oo guun ah oo taariikh dheer leh, islamarkaana uu ka mid yahay Garaadada Somaliland ugu waa wayn.

Wasiir Cali Mareexaan, ayaa Garaad Jaamac iyo Garaadada kale ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada, islamarkaana meel looga soo wada jeesto cidkasta oo nabadgalyo daro abuuraysa.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo 15 sanno kadib maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood, ayaa waxaa uu sheegay inuu ka soo horjeedo gooni-isutaaga Somaliland.

Hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa waxaa si wey uga soo horjeestay shacabka Somaliland, gaar ahaan dadka dega gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, iyagoona ku tilmaamay hadalkiisa mid aan waxba ka bedelayn xaaladda goboladaas.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa waxa ka soo baxa Shirka Odayaasha Dhaqanka Deegaankaasi dhawaan ku yeelanayaan magaalada Laascaaanood.

LEAVE A REPLY