Xukuumadda oo Xabsiga Ka Sii Daysay Murrashaxiintii Mucaaridka Ee Xidhnaa

0
1544

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta xabsiga ka sii daysay musharrixiintii xidh-xidhnaa ee xisbiyadda mucaaridka.

Musharrixiinta la sii daayay maanta, ayaa waxa ka mid ah Qaasim Suleymaan oo ka sharraxan xisbiga WADDANI, Cabdilaahi Xasan Xirsi iyo Cabdiraxman Yusuf Cali oo ka sharraxan xisbiga UCID.

Ciidanka booliska Somaliland, ayaa hore murrashaxiintan ugu eedeyay inay xidhiidh la leeyihiin Soomaaliya, iyagoona Ciidamada Boolisku ay hore u soo bandhigay caddaymo ay u hayaan iyo dambiyadda loo haysto murrashaxiintan.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Faro) oo ka mid ah murashaxiinta maanta la sii daayay islamarkaana u tartamaya doorashada golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa lagu eedeeyay inuu kulamo la yeeshay siyaasiyiin ugu waaweyn Soomaaliya.

Sidoo kale, Murashax Qaasim Aadan Saleebaan, ayaa lagu eedeeyay inuu ka mid yahay hoggaanka Dhaqanka ee Beelaha gobollada Dhexe ee Soomaaliya, dhawaanna uu magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya.

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay in ay hayaan Caddeymo kale oo markhaati u ah dambiyada murrashaxiintu ay galeen oo lagu eedeeyay inay ku kaceen khiyaamo Qaran isla markaana u adeegayaan danaha iyo Siyaasadda Soomaaliya.

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaana hore waxay u soo bandhigeen Caddeymo muuqaallo ah oo ay u adeegsadeen eedaymaha dambiyada loo haysto murashaxiintan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here