Xukuumadda oo Soo Dhaweysay Hadalkii Stephen M. Schwartz Uu Dowladda Maraykanka Ugu Soo Jeediyey Inay Qunsuliyad Ka Furato Somaliland

0
1549
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhawaysey hadalkii dhowaan ka soo yeedhay Safiirkii hore ee dowladda Maraykanka u fadhiyey Soomaaliya  Amb. Stephen M. Schwartz ee ku saabsanaa inay Somaliland istaahisho inay dawladdiisu ka furato Qunsilyad, maadaama ay tahay dal deggan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi  “Hadalka Amb. Stephen M. Schwartz, waanu soo dhawaynaynaa Dawlad ahaan, si fiicana wuu u hadlay, wax jirana wuu sheegay..”

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland waxa kale oo uu sheegay “Dabcan, Amb. Stephen M. Schwartz, wuxuu si cad oo qiimo leh u sheegay isla markaana qiray in dalkeenu yahay dal deggan oo xasiloon, oo la isku helayn karo, heerka aynu maraynana waxaynu ku gaadhnay dadaalkeena, Juhdigeena iyo wax qabadkeena, Dawlad ahaana waxaa naga go’an inaynu xoojino xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka iyo in aanu Waddan walba ku qancino jiritaanka Dawladnimadayada iyo waxaanu qabsanay..”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here