Xukuumadda oo Sheegtay War Ka Farxiyey Beeraleyda Dalka

0
591

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha hay’adda Kaydka raashinka Qaranka iyo ka hortagga Aafooyinka Somaliland Faysal Cali Sheekh, ayaa sheegay war ka farxiyay beeraleyda dalka.

Guddoomiye Faysal Cali Sheekh oo ka hadlay munaasibad lagu shaaciyey hirgelinta mashruuc Biyo-xidheen oo dowladdu ka hirgelisay Degamda Allay-baday, ayaa sheegay in cidii beerata Hadhuudhka, Galayda iyo Qamandiga ay dowladdu ka iibsanayso.

“Dowladdu way ka iibsanaysaa cidii beerata Hadhuudhka, Galayda iyo Qamandiga, waxaanan ka wada shaqaynaynaa wasaaraddaha Beeraha iyo Maaliyadda” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Sheekh.

Waxa uu sheegay inay hay’ad ahaan mar walba dadka wax beerta ka iibsadaan dalagga cuntada ah ee u soo go’a, mar walbana sii laba-jibaarayaan arrintaasi, iyagoo u kaydinaya Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here