Xukuumadda oo Shaacisay In 26 December Uu Xisbiga Waddani Noqonayo Urur

0
1386

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay shaacisay in marka la gaadho 26 bisha December oo wakhtigii sharciga ahaa ee xisbiyaddu ku egyahay, in xisbiga Waddani urur noqonayo.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in madaxda xisbiga Waddani, ay 10 sanno kahor u ullolaynayeen in urruro la furo, markaasi oo uu Waddani ku dhashay doorashadii urrurada ee xukuumaddii Kulmiye qabatay.

Wasiirka, ayaa sheegay in marka la gaadho 26 December ee sannadkan uu xisbiga Waddani urur isku badalayo madaama oo mudadiisii sharciga ahayd dhamaanayso, isla markaana Xirsi uu yahay shakhsiga ku tartami doona magaca xisbiga.

Waxa uu sheegay in marka doorashadda urrurada la galo, aanu jiri doonin wax musharrax la yidhaa, oo ay jiri doonaan goddoomiyayaal ururo oo kali ahi, guddoomiyahana loo codayn doono, ee aan musharrax loo codayn doonin.

LEAVE A REPLY