Xukuumadda oo Mucaaradka Uga Digtay Bannaan-baxyo Ay Dhigaan

0
1398

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka digay bannaan-baxyo aan dariiqa sharciga ah loo marin oo Xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu ka sameeyaan gobollada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta warbaahinta kula hadlay, waxa uu qiray in Sharciga dalku muwaadiniinta u oggol yahay inay sameeyaan mudaharaadyo ay dareenkooda ku muujiyaan, balse waajibaadku yahay in loo raaco xeerarka dalka.

“Dastuur keenu waxa uu sheegayaa in qofka muwaadinka ahi uu xaq u leeyahay in la doorto uu waxna doorto iyo in uu mudaharaado, laakiin waa in haddana qaabka mudaharaadka loo samaynayaa uu noqdo mid waafaqsan xeerka,” sidaas ayuu yidhi wasiirka oo intaas ku daray in xeerku sheegayo in ciddii mudaharaad qabanaysa ay saddex maalmood ka hor codsi wargelin ah oo ay ku dalbanayaan bannaan-baxa  u gudbiyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamulka gobolka, isla markaana ay codsigooda ku xusayaan sababta mudaharaadka, kadibna loo fasaxayo iyadoo lagu taageerayo ciidammo ammaankooda ilaalinaya.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu farriin u diray hoggaanka xisbiyada Mucaaradka, waxaanu yidhi, ”Mudaharaad aanay cidna u sheegin oo hanjabaadi ku jirto, oo fawdo ku jirto, oo nabadgalyo-darro ku jirto, ayaanu dhigaynaa, Berrina waxaanu doonaynaa in aanu dalka madaxweynayaal ka noqono, labadaasi isma galayaan”.

Hadalka wasiirka ayaa noqonaya kii labaad ee uu mudaharaadka kaga digo laba cisho gudahood, isaga oo shalay la shiray madaxda ciidamada, maamulka gobolka Maroodijeex iyo ka caasimada Hargeysa, una sheegay in ay ka hortagaan mudaharaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here