Xukuumadda oo Eedaymo Culus U Jeedisay Xisbiyada Mucaaradka

0
1750

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa mar kale ku celisay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu mar keliya joojin in laga Wada-hadlo isla-markana Xal laga gaadho khilaafka Mudada ka taagan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda, xilli walbana uu diyaar u yahay.

Balse xisbiyada Mucaaradka ahi ay doonayaan inay meesha ka saaraan xuquuqda Muwaadiniintu u leeyihiin inay Ururro-siyaasadeed furtaan, dalkana laga qabto Doorashada Ururrada, hasse yeeshee Xukuumaddu diyaar u tahay.

Wasiirka shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Mustafe Godane oo maanta jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay in Furista Ururrada iyo qabashada kala doorashadoodu ay muhiim u tahay Midnimada Ummadda reer Somaliland.

Maaddaama oo xilligan ay Ururro siyaasadeed furteen Siyaasiyiinta Beelaha Darafyadu, sidaa darteed aan loo baahan yahay in Xisbiyada WADDANI iyo UCID arrintaa fahmaan oo aanay iska indho-tirin.

Wasiir Godane, wuxuu si gaar ah eedaymo ugu jeediyey Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu sheegay inuu ku ololaynayo qabyaalad iyo inuu yidhaahdo ‘Waa Markaygii’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here