Xukuumadda oo 2 Milyan oo Dollar Ka Dalbatay Ganacsatada Dalka

0
1532
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddida ka hortagga xanuunka COVID-19, ayaa kulan lagaga arinsanayay xanuunsaasi la qaatay ganacsatada kala duwan ee dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay xubnaha guddiyada ka hortagga xanuunka Covid-19 oo uu hormuud u yahay madaxweyne ku xogeenka Somaliland, Ganacsatada dalka iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirada.

Waxana kulanka lagu lafo-guray sidii wada-jir laysaga kaashan lahaa xaalada xanuunka COVID-19 oo faro ba’an ku haya Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah guddoomiyaha guddida ka hortagga xanuunka Covid-19, ayaa ka codsaday Ganacsatada dalka in ay lacag gaadhaysa 2 Milyan oo dollar kaga qayb qaataan qorshe uu sheegay in ay xukuumad ahaan ku doonayaan in ay ku soo iibiyaan tallaalka Cudurka COVID19.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in ay Xukuumadda ahaan qorshahaasi ugu talo galeen, 1 Milayn oo dollar, Ganacsatadana laga doonayo 2 Milayn oo dollar, si bulshada Somaliland u hesho Tallaal.

Ganacsatada Somaliland ayaa dhaqaale gaadhaya 7 Milyan oo doolar ku wareejisay xukuumadda wakhtigii ugu horaysay ee uu Somaliland ka dilaacay xanuunka Covid-19, iyadoo aan la ogayn halkay ku dambaysay lacagtaasi.

LEAVE A REPLY