Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Dawlada Itoobiya Bilaabayso Dhismaha Jidka Isku Xidhaya Berbera Iyo Wajaale

0
938

Hargeysa , (HargeisaPress) —Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in la rajaynayo in dawladda Itoobiya dhawaan bilowdo dhismaha jidka isku xidhaya Dekedda Berbera iyo magaalo xuduudeedka Tog-wajaale.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya u sheegay in Itoobiya ka hor dhammaadka sannadkan bilaabi doonto dhismaha jidkaas. “Itoobiya waxa la filayaa inay bilowdo dhismaha jidka isku xidhaya dekedda Berbera iyo Tog-wajaale ka hor dhammaadka sannadkan.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Laakiin wargeyska ayaa xogo uu helay waxay u sheegeen inaan weli la dhammayn qaabkii wax loo bilaabi lahaa, waxaanay xogaha uu helay ay wargeyska u sheegeen in dhismuhu u baahanyahay in la sameeyo shirkad saddex geesood ah oo sharci ku fadhida, “Ilaa haddana lama gunaanadin faahfaahinta heshiiska saddexda dhinac, shirkadiina weli lama samayn.” Ayay xogahaasi yidhaahdeen.

Geesta kale Cali Ismaaciil Maxamed oo ah sarkaalka madaxda ka ah qaybta hawlgelinta ee dekedda Berbera ee DP world ayaa isaguna u sheegay warbaahinta Itoobiya in dhismaha balaadhinta dekedda Berbera la bilaabi doono bisha September ee sannadkan. “Dhismaha wejiga koowaad ee dekedda Berbera waxa la bilaabi doonaa September.” Ayuu yidhi sarkaalkani, isagoo intaas raaciyay in shirkadaha ku guulaysta qandaraaska la baahin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here