Xukuumada Somaliland Oo Mamnuucay Inay Hay’adaha Laga Leeyahay Soomaaliya Ka Hawlgalaan Somaliland + SAWIRRO

0
1469

Hargeysa,(HargeisaPress) —Kalfadhigii golaha Wasiirada ayaa maanta laga soo saaray saddex qodob oo kala ah in hay’adaha Soomaaliya laga leeyahay ka hawlgalin Karin Somaliland,  guddida hirgelinta Barnaamijka Shaqo-qaran iyo wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhiggu ka hawlgalaan la dagaallanka aafada Tahriibta.

Kal-fadhigan oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa  lagaga dooday  hawlaha qaran ee goluhu u xilsaaran yahay iyo ka midho-dhalinta himilada guud ee qaranku leeyahay.

Ugu dambayntii waxa kulanka laga soo saaray saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas nuxurkoodu ahaa sidatan:

1.Waxa guddi loo saaray hirgelinta Barnaamijka Shaqo-qaran oo kamid ahaa tiirarkii muhiimka ahaa ee Barnaamij-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE ku galay doorashooyinkii madaxtinimo ee qabsoomay sanadkii dhammaaday ee 2017-kii, kuwaas oo soo qorshayn doona qaabkii loo hirgelin lahaa mashruucaas, si muwaadiniinta Somaliland loogu jiheeyo horumarinta dalkooda, loona gaadho isku filnaansho, waxana ay guddidani kala yihiin:

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Maaliyadda, Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, Waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faro-toon), Shaqo-gelinta iyo arrimaha Bulshada, Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle.

2. In hay’adaha laga leeyahay dalka Soomaaliya aanay wax mashruuc ah ka fulin Karin dalka Somaliland gudihiisa, isla markaana aanay ka hawlgeli karin.

3.In wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhiggu ka hawlgalaan la dagaallanka aafada Tahriibta, iyada oo cidkasta ku hawllan aafadaasna sharciga la marin doono

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here