Xukuumada oo Ka Hadashay Mucaawino Ay Gaysay Degmada Salaxley oo La Sheegay In La Gubay

0
2557

Hargeisa (Hargeisa Press) — Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay mucaawino ay gaadhsiisay degmada Salaxley oo la sheegay in dadka deegaanku gubeen.

Agaasimaha guud ee Wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Sayid Cumar Cabdilaahi oo arintaasi ka hadley ayaa sheegay in warkaasi beenyahay oo aanay waxba ka jirin, islamarkaana ay mucaawinadii ay xukuumadu ugu talagashay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii ka da’ay degmada Salaxley qayb ka mid ah la qaybiyay, intii kalena ay gacanta ugu jirto maamulka degmada.

Agaasimaha ayaa arintaasi ku tilmaamay been abuur la soo qorsheeyay, isagoona sheegay in shaqsiyaad gaar ahi ay karaatoon iyo maryo ay soo uruuriyeen ku gubay meel banaan ah.

Wuxuu sheegay in dadkii falkaasi ku kacay aanay xukuumadu ka hadhayn oo sharciga lala tiigsan doonaa.

Sidoo kale, agaasimaha guud ee wasaarad Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa sheegay in xukuumadu wado qorshe balaadhan oo si weyn loogu caawinayo dadkii dhibtu soo gaadhay, goobihii danta guudna dib loogu dhisayo.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Zayid Cumar Cabdilaahi ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu goordhawayd ku baahiyay bogiisa Facbooga, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Caawimadii iyo tabarucaadkii degmada salaxlay ee ay keentay dawlada Somaliland iyo dad muxsiniin ahba, intii la qaybiyay mooyee intii kale waxay ku jirtaa gacanta maamulka degmada.

Sidoo kale dawladu waxay wadaa qorshe balaadhan oo si weyn loogu caawinayo dadkii dhibtu soo gaadhay, goobihii danta guudna dib loogu dhisayo.

Afar qof ayaa karaatoon iyo maryo ay soo ururiyeen meel banaan ah ku gubay, arintaasina waxay ahayd been abuur la soo qorsheeyay.

falkaasi maaha mid la iskaga hadhayo, sharciga ayaana lala tiigsan doonaa cidii ku kacday.

Degmadu sidii caadada u ahayd way soo dhawaynaysaa cid walba oo gacan ka gaysanaysa masiibada dhacday.

Reer salaxlay waa gob aan gayin in ashkhaas wax ma garato ahi magacooda u adeegsadaan kala fogaynta umada walaalaha ah, qabyaalad iyo dano siyaasadeed oo guracan.

Ninkii wax bixinaya waa inuu ilaahay dartii u bixiyaa, qabyaalad cidna waxba tari mayso.

Degmada salaxlay shacabka somaliland oo dhan ayaa u siman, cidna gaar uma sheegan karto”.

LEAVE A REPLY