Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Itoobiya U Xidhatay Fiisaha

0
1225

HARGEISA, (HargeisaPress) — Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse), ayaa ka hadlay Fiisaha Itoobiya, ee ay joojisay Saraafadda Itoobiya ee dalka ka furan, waxaanu sheegay in arrinta Fiisaha hakisay ay tahay arin safaaradda u gaar ah.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyay, waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda dibadda ee wakhtigan. Ugu horayn Wasiir Axmed-kyse oo la weydiiyay inuu ka jawaabo fiisaha Itoobiya ee istaagay wuxuu yidhi  “Waa dhab in Safaaradda Itoobiya yar hakisay Fiisihii, arimo u gaar ah oo dhexdooda ah ayey u joojisay,balse markii aanu wax ka weydiinay, waxa aanu isla afgaranay in cidii hawl caafimaad oo deg deg ah u tagaysa inay tixgelinayaan, in cidii deeq waxbarasho u tagaysa iyo cidii looga yeedho Safaaraddaha Itoobiya ku yaala ee Wadamada kale inay iyana tixgelinayaan, markaas waxa la magacaabay guddi ka kooban Afar xubnood oo laba xubnood Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka socdaan,  laba xubnoodna Safaaradda Itoobiya, waxayna afartaas xubnood isla eegi  doonaan kana arinsan doonaan halka ay marba wax marayaan”.

 

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko waxa ay ku kala duwan yihiin Siyaasadda Arrimaha Dibada ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale oo uu labadaba Wasiir-xigeen  ka soo noqday ayaa ku jawaabay”Xukuumaddihii dalka soo maray dhammaantood wax ayey soo qabteen, oo Xukuumaddii Cabdiraxmaan Axmed Cali wakhtigaas waa wakhtigii dalka dib loogu soo noqday, waxaana wakhtigaas laga soo kabanaayey dagaaladii iyo burburkii, Xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa ay ahayd wakhtigii dib u heshiisiina,Xukuumaddii Daahir Rayaale waxa ay ahayd wakhtigii ay Dimuqraadiyadu dalka ka hanaqaaday, oo Doorashooyin xor iyo xalaal ahi ka hana qaadeen, Siyaasadda Arrimaha Dibadu aad ayey u horumartay, oo Saaxibo badan ayeynu Caalamka ku yeelanay, balse Xukuumaddan Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Siyaasadda Arrimaha Dibaddu aad iyo  aad ayey halkaas uga sii horumartay, Wakiilo ama Safiiro badan ayeynu Calaamka ku yeelanay, qadiyadeenii ayaa balaadhatay, Wadamo intii hore ka sii badan ayaa inagu soo xidhmay, markaas hadda ayey ugu fiican tahay Siyaasada Arrimaha Dibadu, sidii dawlad aqoonsi haysata ayaa la inoola dhaqmaa, waxay taasi ku timid dadaalka Xukuumaddan”.

 

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Axmed Kayse ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Shirkii ay dhawaan u qabteen Safiirada Somaliland u fadhiya Caalamka, waxaanu sheegay in Shirkaas oo lagu qabtay dalka uu ahaa shir lagaga arinsanayey sidii loo dardar galin lahaa sidii ay Somaliland aqoonsi buuxa u heli lahayd, sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland la leedahay Wadamada Caalamka iyo Wadamada jaarka, waxaanu tilmaamay in Shirkaas aad la soo dhaweeyey, wax fiicana ka soo baxeen.

 

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Axmed Kayse ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in xidhiidh aad u wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland wadamada jaarka sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxaanu xusay in dhawaan Xafiisyada ama safaaraddaha Kenya iyo Jabuuti dalka laga furi doono, waxa kale oo uu ka hadlay Shirka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya isaga oo tilmaamay in aanay marnaba Somaliland ka noqonaynin qadiyadeena ah gooni istaaga, waxaanu Bulshada reer  Somaliland ugu baaqay inay mar walba feejignadaan, isaga oo amaan balaadhan u soo jeediyey Qurba jooga reer Somaliland oo uu sheegay inay dadaal aad u wanaagsan muujiyeen

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here