Xubno Ka Tirsan Congress-ka Mareykanka oo Laga Helay Coronavirus

0
1053

WASHINGTON  (Hargeisa Press) — Laba xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa noqday labadii qof ee ugu horreeyey ee ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo laga helay cudurka Coronavirus.

Xafiiska Mario Diaz-Balart ayaa bayaan uu soo saaray ku yidhi “in wakhti dhow ka hor lagu war-geliyey in laga helay cudurka Coronavirus.”

Mario oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto magaalada Miami ayaa ku biiray duqa magaaladaas Francis Suarez, oo toddobaadkii tegay shaaca ka qaaday in laga helay Coronavirus.

Ka-helitaanka Mario ee cudurka ayaa hogaamisay in ninka labaad ee ugu sarreeya Congress-ka Steve Scalise, oo Jamhuuri ah uu ku dhowaaqo inuu si iskiis ah isku karantiilayo, maadaama uu la kulmay toddobaadkii tegay.

“Nasiib wanaag, iskuma arko wax astaamo ah, waxaana sii wadi doonaa inaan guriga kasoo shaqeeyo, aniga oo joogteenaya xidhiidhka maamulka Trump,” ayuu Scalise ku yidhi bayaan uu soo saaray.

Sidoo kale, Ben McAdams, oo isna ah Dimoqraadi laga soo doorto gobolka Utah, ayaa noqday qofkii labaad ee ka tirsan Aqalka Wakiilada oo ku dhawaaqa in laga helay Coronavirus.

“Kadib markii aan isku arkay hargab habeenkii sabtida markii aan kasoo laabtay Washington, astaamahayga ayaa kasii daray, waxaana dareemay qandho, qufac qalalan, iyo neefta oo i dhibtay kadibna si iskay ah ayaan isku karantiilay,” ayuu yidhi McAdams.

McAdam ayaa baadhitaan lagu sameeyey Salaasadii, waxaana lagu war-geliyey Arbacadii in laga helay Coronavirus.

Bayaan ay soo saartay afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi ayey ku sheegtay in Diaz-Balart iyo McAdams ayay “xaaladdoodu wanaagsan tahay.”

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here