Xoogagga Waddaniyiinta FARMAAJO oo Abaabulaya Banaanbax Siyaasadeed oo Ka Dhan Ah Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

0
912

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka diyaarineysa banaanbax xooggan oo ka dhan ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Banaanbaxan la filayo inuu ka dhaco Muqdisho ayaa waxaa amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku sugan maadaxtooyada Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad u dhibsatay kulamada ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ka wadaan Muqdisho ee lagaga soo horjeedo xadgudubka ay dowladda ku sameysay xuquuqda isu-socodka muwaadinka, cabudhinta siyaasiyiinta iyo jidadka xidhan ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale banaan-baxa la qorsheynayo uu yahay mid jawaab u ah ama lagaga hortagayo dibad-bax kale oo madaxdii hore ay ee Soomaaliya abaabulayaan, si ay u muujiyaan inaanay la dhacsaneyn siyaasadda Xukuumada Farmaajo.

Abaabulka bannaan-baxa uu Farmaajo amray ayaa waxaa loo xil-saaray Garabka loo yaqaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ee ku xidhan Madaxtooyada Villa Somalia, si aad ahna daacad ugu ah madaxweynaha oo bil walba ka qaata mushahar.

Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ayaa ah koox u carbisan abaabulka iyo guulwadeynta madaxweynaha, kuwaasoo xubno firfircoon ku leh degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dibad-baxa ay diyaarinayaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb-galaya hooyooyinka ku xidhan iyo kuwa ka shaqeeyaa xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo dad laga soo kaxaynayo qaar ka mid ah xerooyinka barakacayaasha Muqdisho.

Qorshaha banaan-baxa Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ah in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif lagu calaamadeeyo qabyaalad, loona muujiyo inay madaxweynaha ku mucaaradayaan qabiil, iyaga oo adeegsanaya dadkooda oo ah qabiilka ugu awoodda weyn Muqdisho.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here