Xoghayihii Hore Dawlada Hoose Ee Hargeysa oo Falaanqeeyay Micnaha Ay Samaynayaan Hadaladii Gudoomiye Faysal iyo Safiirka Jabuuti U Fadhiya Somaliland

0
853

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xoghayihii hore ee dawlada Hoose Hargeysa Cali Xasan Cawaale (Cali Nageeye), ayaa si qotodheer u falaanqeeyay hadaladii dhaliilaha ahaa ee ay warbaahinta isku mariyeen Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye.

Cali Xasan Cawaale Xoghayihii hore dawlada Hoose Hargeisa oo qoraal dheer oo uu arintaasi ku falaanqaynayo soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka Bulshada ee Facbooga oo ay soo xigatay Shabakada Hargeisa Press, ayaa u dhignaa sidan:-

Ugu horayn labada hadal ee Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo safiirka Jabuuti waan dawaaday markii aan dawaday si buuxda waxa iga soo dhex baxay macnahan.

1, Horta Guddomiye Faysal waa gudoomiye xisbi mucaarid ah oo ka jira dalka Somaliland, Waxaanu ka hadlay, Danaha Somaliland, xaqna wa u leeyahay, balse, siiba wada hadalada Somaliland iyo Somalia, taas oo uu sheegay, in madaxweynaha dalka d. jabuuti, kasoo horjeedo qadiyada Somaliland, isla markaana aanu dhexdhexaad ka noqon karin, wada hadaladaas, oo anay Somaliland aaminayn, isla markana wadahadalada Somalia iyo Somaliland, aan lagu qaban doonin dalka Jabuuti.

Dhamaan arimahaasi u gudoomiyuhu sheegay, waxay ku taxaluqan danaha Somaliland, balse wax dhimaal iyo cay toona kuma odhan Jabuuti iyo madaxweynaheeda toona.

  1. Hadalkii Safiirka Jabuuti, hadan u imaado, horta waa marka kowaade, sida uu safiirkuba sheegay, dee horta xisbi mucaarida oo dal kale leeyahay, xidhiidh kama dhexeeyo, balse xukuumada ay xidhiidh duplomaasi ka dhexeeya, marka safiirku in uu u jawaabo gudoomiyaha may ahayn, wana arrin aan shaqada diblomasiyadeed wafaqsanay.

Mar labaadka, Waxay ahayd hadii hadalada gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid uu wax ka tirsaday ama cabasho ka qabo safiirka, dalka Jabuuti in uu qoraal la xidhiidha cabadhada u qabo u qoro, wasaarada arrimaha dibada ee xukuumada Somaliland. halka uu safiirku si toosa ugu jawaabayey guddomiyaha. waayo dee xidhiidhku waxa uu ka dhexeeya labada dal iyo labada xukuumadood, balse xisbi mucaarida xidhiidh kama dhexeeyo.

Mar sadexaad. Safiirku hadalka gudoomiyaha maba naaqishin, mana lafa gurin, in uu ku saabsanyahay Somaliland.

Waayo hadalka gudoomiyuhu waxa uu khuseyay kana hadlayay Somaliland.

marrka waxay ahayd in uu hadalka gudoomiyaha analayse gareeyo safiirku.

Mar Afraad, Waxa iyana arrin aad u qaldan ahayd in uu safiirku media-yaha ka yidhaahdo waxanu jawaab arintan la xidhiidha ka sugayna madaxweynaha iyo xukuumada Somaliland, madama asagiiba hadlay oo aanu marin dariiqi xukumadu jawaabta kaga bixin lahayd, oo ah in uu safiirku qoraal u qoro, wasaarada arrimaha dibada kadibna sugo jawaabta xukuumadu ka bixiso waxa uu ka cawday. balse hada sidan uu dhigay waxay noqonaysa mid amar ah oo ku socoto xukumada, isagoo waliba asagu hadlay una jawaabay gudoomiyihii. marka maxa hadhay ee ay ka jawaabta xukuumadu. xataa jawaabta safiirku marka la eego arrimaha diplomasiyada waxay meel ka dhac ku tahay xukuumada Somaliland.

Ugu danbeyn, Waxa iyana khalad ahayd oo aan haboonayn, in talefishinka xukuumada laga siidaayo hadalka safiirka.

taasi oo ay ahayd in xukuumadu qabato, safiirka, isla markaana u tilmaanto processka diblomasi ee uu u marayo cabashada uu qabo, ee la xidhiidha gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah.

Arrimahan ayan aragti ahaan iga so dhexbaxay hadaladii gudoomiye faysal iyo safiirka.

 

Cali Xasan Cawaale Xoghayihii hore Dawlada Hoose Hargeisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here