Xoghayaha Waddani Oo Ka Warbixiyay Safar Ay Dhawaan Kenya Ku Tegeen

0
458

Hargaysa (HP): Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Siciid, ayaa ka warbixiyay safar ay dhawaan xisbiyadda mucaaradka Somaliland ku tegeen magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaanu sheegay xoghayuhu in ay Nairobi kula soo kulmeen inta badan safiirrada dawladaha Somaliland ka taageerra arrimaha doorashooyinka.
Kuwaasoo ay kala soo hadleen sidii ay u sii wadi lahaayeen dhaqaalaha ay ku taageeraan doorashadda madaxtooyadda Somaliland ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto sanadka soo socda ee 2022-ka.
Khaddar Xuseen Siciid, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee magaaladda Hargaysa, ayaa ka mid ahaa xubno ka socday labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani oo dhawaan safar ku tegay dalka Kenya.
Waxaanu sheegay xoghayaha Waddani dhamaanba wakiiladii ay magaaladda Nairobi kula soo kulmeen ay u muujiyeen sida ay beesha caalamku diyaarka ugu tahay sidii ay Somaliland ugala shaqayn lahayd qabsoomidda doorashooyinka.

Geesta kale Khadar Xuseen, waxa kaloo uu sheegay wakiiladda dawladaha Somaliland saaxiibadda la ah ee ay kula soo kulmeen Nairobi in dunidu u soo jeedoo Somaliland oo diyaar u tahay sidii hore si ka dhaw ula shaqeeyaan Somaliland.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here