XOG : Bakaal Kooke oo Safar Qarsoodi Ah Ku Tagay Dalka Itoobiya, Kadibna La Kulmay Saraakiil Isagu Jiro Itoobiyan Iyo Eritrean

0
1390

Ilo amni oo aad lagu kalsoonan karo, kana katirsan maamulka gobolka Gedo oo goor dhow la hadlay Halgan Media ayaa waxaa ay u xaqijiyeen in uu Bakaal Kooke uu xalay kasoo degay garoonka Addis Ababa ee xaruunta Dalka Itoobiya.

Safarka aan la shacanin u xalay Bakaal Kooke ku tagay Itoobiya, wuxuu magaalada Addis Ababa kula kulmay saraakil Itoobiyan iyo kuwa Eritrean oo horay ugu suugnaa magaalada Addis Ababa, waxaana la sheegay in uu kulaanka ku saabsanyahay sidii loo deejin lahaa xiisada ka dhalatay dhalinyarada Soomaaliyeed ee la geeyay jiida hore, kuna dhintay dagaalka ka socda gobolka Tigreega oo gudaha Somalia iyo Calaamka aad looga hadal hayo.

Bakaal Kooke oo ah taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Gedo ayey xukuumada Federalka ariintan u wakiishay taasoo keentay in saxaafada iyo bulshada laga qariyo safaarka qaradoodi ah ee u Bakaal Kooke ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Degmada Dollow oo katirsan gobolka Gedo ayaa xaruun u ah Bakaal Kooke, waxaana garoonka Dollow marar badan laga soo dejiyay dhalinyaro badan oo lagu soo tabaray dalka Eritrea, iyo kuwa badan oo loo qaaday Eritrea, waxana la sheegay sida awgeed ayey dowlada federalka u wakiishay Bakaal Kooke, madaam u wax badan ka ogyahay ariintan.

Ilo wareedyada ayaa Halgan Media u sheegay in uu Bakool Kooke uu kuso laban doono gudaha dalka hal isbuuc kadib.

Wixii warar ah ee soo kordha la soco Halgan Media.

Source: halganmedia.net

LEAVE A REPLY