Xisbiyada Ucid & Waddani Maxay Uga Aamuseen Tabashada Reer Awdal, Miyaanay Cod Ka Rabin? 

0
1263

Mudo dhowr bilood ah Gobolka Awdal Xilibaanadiisa, Salaadiin Tiisa Iyo Bulshada Gobolku waxay ka hadleen Tabashadooda Iyagoo cadeeyay Inaanay Doorasho galayn ilaa saami qaybsi sax ahi ka hir galo dalka.

Waxaa hadaba wax aad loola yaabo ah in Xisbiga Ucid Iyo Wadani aanay haba yaraatee aanay wax dareen ah amaba garowshiyo ah Tabashada Reer Awdal aanay siin.

Waxaa isweydiin mudan Labadan Xisbi Mucaarad miyaanay cod Ka rabin Gobolka Awdal?

Miyaanay ahayn tabashada cod bixiye-yaashooda inay is dhinac taagaan Oo aay Xuquuqdooda la baadi goobaan?

Ilaa hada waxaa bulshadu isweydiinaysa waxa sababay inay ka aamusaan oo aay Ka muquurtaan arinta Reer Awdal ee Saami-Qaybsiga, arintan oo ah mid Xaq aay u leeyihiin markaad eegtana ah mid Gar ah. Ucid Iyo Wadani aamusnidoodu waxay muujinaysaa inay Xisbiga Kulmiye ee Xisbul Xaakimka ah la mawqif Yihiin sababtuna Tahay in Ucid & Wadani rabaan in Doorashadan isa saaran ee Baarlamaanka Iyo Goolaha Degaanka iyaga dan ugu jirto taaso Fa’iido u ah. Sida Fa’iidada aay ugu tahayna waxay tahay hadii labadan Doorasho qabsoomaan Furitaankii Xisbiyada ayaa meesha ka baxaya, kaaso wakhtigiisii dhow yahay una sahli Iyo Suuro gelinaysa Inaan Xisbiyada la furin Toban Sano danbe oo heeshiis hoose inay Kula gaadheen Xisbul Xaakimka Kulmiye aad moodo.

Waxaa kaloo Iyana jirta in Madaxweynihii Hore Somaliland Daahir Riyaale Kaahin arinta saami Qaybsiga Khusaysa uu talo jeedin arintaas Ku aadan ku dhiibtay waraysi lala yeeshay. Waxaa dhacday Maanta oo taariikhdu Tahay 06/09/2020 u jawaabay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Suldaan habaar oo si adag oo qalafsan isla markaana naxli badani Ku dheehanyahay u hadlay, wuxuu xusay in Hagar-Daamo badan oo la ilaaway Lagana heshiiyay aanay ahayn in Reer Awdal umada xusuusiyaan, waxaa kaloo uu xusay Inaan Reer Awdal waxba Ka maqnayn.

Marka arin sidaa yahay ee xaalku halkaa maraayo ilama aha in Xisbiga Ucid Iyo Wadani aamus danbe u eeg yahay, sababtoo ah Reer Awdal Tabashadooda Iyo Xuquuqdooda uga aamusi maayaan wax yabihii laga heshiiyay ee Dowladii Siyaad Barre talada lagaga tuuray ee Somaliland xornimadeedii ula soo noqotay lagana heshiiyay iyadoo aan tix raacayo hadalka Suldaan Habaar u jeediyay Reer Awdal. Labada Xisbi Mucaarad ee Ucid Iyo Wadani Waxaa u eeg in arintaa Degdeg uga jawaabaan isna dhinac taagaan Reer Awdal oo ah Cod Bixiye-yaashooda oo aay Tabashadooda la baadi goobaan hadii kale waxaa Cadaanaysa inay Gobolka Awdal wax dan ahi kagaba xidhnayn sida dhalin yaro Siyaasiyiin ahi hore u sheegeen in sadex Xisbi oo Qaran Ka jiraan Somaliland oo sadex nin oo Ilmo Adeer ahi Kala haystaan.

ADEN-DEEQ

Hargeisa,Somaliland
Email: aden-day@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here