Xisbiyada Somaliland Oo Aan Wali Ku Heshiin Caqabadaha Horyaalla Doorashooyinka La Filayo Inay Dhacaan Sanadkan

0
814

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wada hadaladii u socday xisbiyada Somaliland ee lagaga arrinsanayey doorashooyinka golaha Wakiilada iyo deegaanka ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in wada hadalkaasi lagu heshiin waayey,isla markaana ay iyagu soo jeediyeen in la kala diro guddida doorashooyinka Somaliland oo ay hore u qaadaceen, halka xisbiga UCID isagoo soo jeediyey laba xubnood loogu daro labada xisbi mucaarad.

“waxyaalihii aanu soo jeedinay waxba lagama qaban, waxay doonayaan in doorashadan ka dib uun laga wada hadlo arrinta komishanka aanu ka cabanayno, waxaanay qaateen taladii labada xubnood in mucaaradka loogu daro gudida doorashooyinka oo uu xisbiga usoo jeediyey”ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlayey xisbiga WADANI.

Xisbiga WADANI waxa uu cadeeyey in aanu marna ogolaan doonin inay komishankan ay ka cabanayaan ay doorasho dambe qabtaan illaa inta la bedelayo, maadaama oo ay ku doodeen in doorashadan labadda gole ka balaadhan tahay ta madaxtooyadda.

Dhinac kale, gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isagu eedeeyey xisbiga WADANI oo uu sheegay in aanay doonayn inay doorasho dalka ka dhacdo.

“wada hadalkii wali wuu noo socdaa, waxaana doonayna inay dhinacyaddu wada guulaystaan”ayuu yidhi Faysal Cali Waraab, waxaanu weeraray xisbiga WADDANI, Waxaanu yidhi “WADANI wuxu wata ajande aan Somaliland ahayn, in aan dalkani doorasho ka dhicin buu rabaa, waxa ku jira shakhsiyaad aanu ognahay halkay ku xidhan yihiin, marka waanu isku dhaaranayna in ay doorashadu dhacdo iyo in aanay dhicin, taas ayaa noo ballanna.”

Si kastaba ha ahaatee, saddexda xisbi ayaa wali ku heshiin wakhtiga doorashaddu dhacayso, xisbiga WADANI ayaa isagu doonaya In Komishanka la bedelo, halka xisbiga UCID doonayo in laba xubnood mucaaradka loogu daro, halka xisbiga KULMIYE labadaasi qodob ka soo horjeedo oo uu doonayo in sidii ay awal ahaan jireen uun lagu gallo doorashooyinka.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here