Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukumadda Somaliland Oo Isku Af-gartay In Laga Wada Hadlo Muranka Diwaangalinnaha

0
916

3e4bbae33eb46663eb16e58461628277_LHargeysa, (HargeisaPress) — Labada xisbi mucaarad iyo xukumadda Somaliland ayaa isku aff-gartay inay ka wada hadlaan muranka diwaangalinta madaniga ah iyo ta codbixiyaha ku salaysan.

Xisbiyada Ucid iyo Waddani ayaa maanta shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa ku sheegay inay Xukumadda wada hadal la furayaan ka dib qaadacaadii labada Xisbi ee Diwaangalinta Madaniga ah.

Cabdinaasi Yuusuf Qodax, ku xigeenka xoghayaha Xisbiga Ucid oo Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay xal waara ka gaadhi doonaan khilaafka diwaan galinta “Waxaanu maanta halkan iskugu nimid inaanu caddayno in Labada Xisbi Mucaarad iyo xubno ka mid ah Wasiiradu oo wasiirka Arimaha gudaha iyo wasiirka Madaxtooyada ay noo socdeen wada hadal oo aanu ka wada hadlaynay sidii qodobo ka mid ah Xeerarka Diwaangalinta loo samayn lahaa Is-fahan guud, imikana Insha Allah waxaanu kulmi doonaa Bari” ayuu yidhi Mr Cabdinaasir.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa guul ku tilmaamay wada hadalka u bilawday labada dhinac “ Si Dalka ay uga qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah islamarkaana aan loo carqaladayn Diwaan galinnaha, waxaanu isla qaadanay in xal laga gaadho oo Xisbiyada iyo xukumadda oo isku dhan ay danta qaranka meel uga soo wada jeestaan” ayuu yidhi Xoghaye Maxamed Uurcadde

Heshiiska ku saabsan wada hadalka iyo dib u eegis lagu sameeyo Diwaangalinnaha lagu muransan yahay ayaa ka dambeeyay kulan dhexmaray Hogaanka labada Xisbi mucaarad iyo Wasiirarada Arimaha gudaha iyo madaxtooyada Oo Xukumadda matalayay. Dalabka wada hadalka ayaa ka yimid dhanka xukumadda.

Kulanka bari waxaa ka qayb galaya Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani, Xukumadda Wasiiro matalaya iyo laba Looyar oo ka tala bixinaya farsamada iyo arimaha Xeerarka.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here