Xisbiga WADDANI oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah U Qabtay Musharraxiinta Khadar Maxamed Muxumed Qoor-gaab iyo Ciise Kayd Maxamuud

0
986

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta magaalada Hargeysa munaasibad soo dhawayn ah ugu qabtay musharaxiin xisbigaasi uga tartamaya doorashooyinka goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo masuuliyiin sare oo Xisbigaasi, ayaa kaga qayb-galay munaasabadaasi oo lagu shaacinayay Musharraxa golaha Deegaanka Hargeysa Khadar Maxamed Muxumed (Khadar Qoor-gaab) iyo Musharraxa golaha Wakiillada Dr. Ciise Kayd Maxamuud.

Sidoo kale, Munaasabad, waxaa ka soo qayb-galay madax-dhaqameedka, haween, dhallinyarro, siyaasiyiin miisaan ku leh saaxada siyaasadda Somaliland oo uu ka mid yahay Cabdillaahi Xuseen (Darawal) iyo Taageerayaasha musharraxiinta oo tiro badan.

LEAVE A REPLY