Xisbiga Wadani Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Shacabka Faah Faahin Ka Siiyo Kulankii Uu La Yeeshay Farmaajo,

0
521

Hargeysa(HargeisaPress) Xoghayaha Guud Ee xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa xukumadda madaxweyne Biixi ugu baaqay in ay faahfaahin ka bixiso kulankii madaxweynuhu magaalada Addis Ababa kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in bulshada Somaliland, goleyaasha Qaranka iyo xisbiyadu xaq u leeyihiin in looga warramo ajandaha madaxweynuhu ula tagay madaxweynaha Soomaaliya, arrimaha lagaga wada hadlay kulanka, wixii ka soo baxay iyo halka hadda la joogo meesha looga dhaqaaqayo intaba.

LEAVE A REPLY