Xisbiga UCID Oo Wasiirka Macdanta Ku Eedeeyey In Uu Si Sharci Darro Ah Uu Ruqsad U Siiyey Shirkad Dalka Macdan Ka Guranaysa

0
1150

Ucid logoHargeysa, (HargeisaPress) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa ku eedeeyey Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md:Xuseen Axmed Ducaale in uu shirkad macdan baadhis ah u fasaxay in ay dalka ka gurato macdan aad u tira badan,waxaana ay sheegeen in hayaan waraaqo cadayna oo muujinaya in uu ku amraayo maamulka gobalka Saaxil in ay waxii hawlo ah ay u fudeeyaan marka ay dakada Berbera ka dhoofinayaan macdanta ay dalka ka gurtaan. Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa,waxaana ay sheegeen in ay sharci darro  tahay in shirkad aan baarlamaanka la soo marinin si qarsoodi ah loogu fasaxo in ay dalka macdan ka gurato.

“Waxaanu helnay cadayn nuqul kamida boobka lagu hayo macdanta dalka kaas oo uu saxeexay wasiirka Macdantu isaga oo awood uu leeyahay waan u leeyahay  ku saxeexay in macdanta dalka ay qaataan shirkad xitaa wax kale iska daayoo aan magaceeda laga garanayn Somaliland,Xisbiyada Mucaaradkuna aanay ogayn,Baarlamaanku aanay ogayn oo isaga iyo Xukuumada uun ay ku kooban tahay ogaanshaheedu warqadan oo uu ku amraayo maayarka iyo badhasaabka Barbera oo uu leeyahay waxaan idin ku amrayaa in aad 1.5-Ton aad siisaan shirkada oo aydaan ka hor istaagin isla markaana ay gurtaan iyada oo aanu ka hayno lacagtii Xaqul qalinka ahayd lambarkii lacagta xaqul qalimka ah(Serial number) waa uu soo raaciyey”Ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID

Xoghayaha warfaafinta Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu baaq u diray dhamaanba shacbiga reer Somaliland, Baarlamaanka,iyo Xukuumadaba in la joojiyo macdanta dalka sida sharci darrada ah looga dhoofinaayo waxaana uu yidhi:“Ka Xisbi ahaan waxaanu u baahinaynaa shacbi waynaha reer Somaliland,Baarlamaanka iyo Xukuumadaba oo aanu baaq ugu diraynaa in macdantii dalka farabaas lagu hayo oo la boobayo iyada oo uu awooda uu isticmaalayo uu ka faa’daysaya Xilka uu hayo,waxaanan leenahay waa qarul sharci baarlamaankuna ha la xisaabtamo ha uyeedho oo lacagtan xaga uu geeyey hala waydiiyo”.Xoghayaha warfaafinta Xisbiga UCID waxaa sida oo kale uu ugu baaqay Xukuumada Siilaanyo in aanay ka qayb galin shir lagaga hadlaayo tacadiyada loogaysto haweenka oo bishan gudaheeda ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingiriiska kaasi oo ay u qabanayso  dawlada Somaliya laguna soo marti qaday  Somaliland,waxaana uu sheegay in ay Somaliland meeqaamka ay kaga soo qayb galaysa ay la darajo tahay maamul gobeleedyada Somaliya ee Punland,Jupaland, iyo Galmudug oo iyaguna ka soo qayb galaaya,sida oo kalena waxaa uu carabka ku adkeeyey in uu yahay shir aan waxdana oo ugu jirta Somaliland aanu jirin laguna wiiqayo rajadii ay Somaliland ka qabtay in ay beesha caalamka ay ka hesho Ictiraaf buuxa.

“Waxa weeye waa shir 22-ka bishan ka dhacaaya magaalada London ee wadanka Ingiriiska shirkaas oo ay ka qayb galayaan Somaliland meeqaamka loogu yeedhayna ay tahay in ay lamid yihiin Puntland,Jupaland,iyo Galmudug.tirada xitaa Somaliland la siiyey waa isku mid qola waliba 10-Xubnood ayaa ay soo diraysaa shirkaasi waxaa ku qornaa in uu ka hadlo Xasan Sheekh Maxamuud oo Somaliya oo dhan u hadlaayey waa uu ka cudur daartay laakiin cid isaga matalaysa ayaa shirkaas tagaysa.Shirkaasi waa shir magac xumo u ah qarankan laba iyo labaatanka sano ku caano maalay Madaxbanaanida,waa shir wiiqaya qaranimada Somaliland waa shir lagu khiyaamaynaayo rajadii ay Somaliland ka qabtay in ay beesha caalamka ay ka hesho Ictiraaf,Shirkan waxaa lagaga hadlayaa arrimaha Haweenka gaar ahaan tacadiyada loo gaysto haweenka laakiin anagu waxaan qabnaa uun in uu yahay dabinada Somaliland lagu shaambadaynaayo uun oo aanu wax macno ah oo wayni ku jirin oo Somaliland lagu barayo uun in ay Somaliland ka mid tahay dawlada federaalka Somaliya”Ayuu yidhi Yuusuf Kayse Cabdilaahi.
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY