Xisbiga Ucid oo soo Bandhigay Musharax Cusub oo u Tartamaya Golaha deegaanka Caasimadda Hargaysa + SAWIRRO

0
618

Hargeysa,(HargeisaPress)–Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madax ka tirsan Xisbigaas ayaa ka qayb galay Xaflad lagu shaacinayay Murashax garyaqaan C.risaaq Ismaaciil Xasan oo u tartami doona golaha deegaanka ee Caasimadda hargaysa.

Salaadiinta iyo Madax dhaqameedka deegaanka uu ka soo jeedo Murashax Eng Aadan Jaamac Xadi ayaa xisbiga Ucid uga mahadnaqay sida uu uga gudoomay Tartamahan ay soo xuleen.

Waxaa kale oo ay balan qaadeen in ay codkooda la garab istaagi doonaan sidii uu Murashaxani u guulaysan lahaa, Iyagoo ku sifeeyay mid u qalma Xilkaas uu u Tartamayo.

Dhankiisana Murashax garyaqaan C.risaaq Ismaaciil Xasan ayaa sheegay inuu fahamsan yahay shaqada iyo waajibaadka xubinta golaha deegaanka ka mid noqonaysa isla markaana uu ku dadaali doono sidii uu uga shaqayn lahaa Horumarinta Caasimadda Hargaysa.

Gabo gabadii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in ay aqbaleen ka xisbi ahaan in Murashax garyaqaan C.risaaq Ismaaciil Xasan uu ka Tartamo xisbiga Ucid, una metelo doorashada golaha Deegaanka Caasimadda Hargaysa.

LEAVE A REPLY