Xisbiga UCID oo Maayirnimadii Uga Tanaasulay Cabdikariin Axmed Mooge

0
1836

Hargeisa (Hargeisa Press) – Waxaa si rasmi ah maanta gelinkii dambe loo soo afjaray khilaafkii mudada badan taagnaa ee loogu jiray Maayirnimada Caasimada Hargeysa.

Khilaafkan loogu jiray Maayirnimada Caasimada Hargeysa, ayaa waxaa uu u dhexeeyay Cabdikariin Axmed Mooge ah murrashax ka soo baxay Xisbiga Waddani iyo Siciid Cabdisamad (Siciid Cudhay) oo isna ka soo baxay xisbiga Ucid.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa soo afjaray khilaafkaasi mudaba ka taagaanaa Maayirnimada Caasimada Hargeysa, isagoona guddoomiye Faysal sheegay in ka xisbi ahaan ay uga tanaasuleen Maayirnimada Cabdikariin Axmed Mooge.

Waxaanu guddoomiye Faysal sheegay in laba xisbi mucaarad ay markii hore ku heshiiyeen in Waddani qaato guddoomiyeha Wakiilada xisbiga UCID na qaato mayorka Hargeysa lakin ay ixtiraameen codka shacabka.

Geesta kale, Xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa isaguna uga mahadceliyay xildhibaan Cudhay tanaasulaada uu u sameeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here