Xisbiga UCID Oo Dalladda SONYO Ka Difaacay Eedo Uga Yimid Dhigiisa Waddani

0
870

Hargaysa,(HargeisaPress)—Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO ka difaacay eedayn xisbiga mucaaridka ah ee Waddani u jeediyay oo Ururkaasi la xidhiidhiyay inay ku dhexmilmeen siyaasadda.

Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga caddaaladda iyo daryeelka UCID, Jiir Cali Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay taageersan yihiin dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO, isagoona ku amaanay doorka firfircoon ee kaga jirto bulshada, gaar ahaan dhallinyarada Somaliland.

Mr. Jiir waxa uu sheegay in Dalladda SONYO ay madax-bannaan tahay oo aanay ku milmin arrimaha siyaasadda

“Maalin dhawayd, waxa laga hadlay oo xisbi ka hadlay, ururka dhallinyarada ee la yidhaa SONYO oo la mid ah ururadan kale ee aan dawliga ahayn, waxaanay dhallinyarada u qabataa waa wacyigalin iyo dhiirigalin. Ciddii (Xisbiga Waddani) markaasi ka hadlaysayna waxay uga hadlaysay si siyaasadaysan oo inay ku dhexmilantay xukuumadihii iyo dawladihii dalkan ka soo jiray. Waxaan u sheegayaa uun inay SONYO tahay urur madax-bannaan oo ka madax-bannaan siyaasadaha dalkan, isla markaana ay tahay urur aan dawli ahayn,una qaabilsan dhalinyarada horumarin iyo dhiirigalin.” Ayuu yidhi Jiir Cali Madoobe, Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga caddaaladda iyo daryeelka UCID

Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani ayaa dhawaan eeddo aan caddaymo wadan u jeediyay dalladda SONYO, oo ay ku eedeeyeen inay aad ugu dhexmilantay arrimaha siyaasadda xukuumadda markaasi jirta.

Dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo ah urur aan dawli ahayn, ayaa ka shaqeeya arrimaha dhalinyarada, oo ay siiyaan wacyigalin dhinaca balwadaha iyo tahriibta, isla markaasina dhiirigaliyaan horumarka dhallinyarada

Halkan Ka Daawo Hadalka xoghaye Jiir:

HargeisaPress.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY