Xisbiga KULMIYE oo Aqbalay Murrashaxnimada Aqoonyahan Cabdiqaadir Camash oo u tartamaya golaha deegaanka Gabiley +SAWIRRO

0
796

Hargeysa,(HargeisaPress)-Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa si rasmi ah u aqbalay murrashaxnimada Aqoonyahan Cabdiqaadir Muxumed Guuleed Camash oo u tartami doona golaha deegaanka ee Gabiley.

Munaasibadda shaacinta murrashax Cabdiqaadir Camash oo lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Jaamac Hadhiye, guddoomiye-ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Khadar Baaruud Cumar, saraakiil kale oo xisbiga katirsan, salaadiinta, cuqaasha, dhallinyarada iyo waxgaradka deegaanka uu murrashaxu kasoo jeedo iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayo murrashaxa iyo khibradda shaqo ee uu leeyahay.

Qaar kamid ah cuqaasha iyo aqoonyahanka reer Gabiley oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday kartida iyo khibradda aqooneed ee uu Aqoonyahan Cabdiqaadir Camash u leeyahay hawsha xildhibaannimo ee uu usoo xadhko-xidhay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay deegaan ahaan si wadar ah isugu raaceen inuu ku metelo golaha deegaanka ee Gabiley.

Suldaan Xuseen Aw Muuse oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee gobolka Gabilay, ayaa isaguna caddeeyey in wada-tashi dheer kaddib ay deegaan ahaan isku raaceen in aqoonyahan Cabdiqaadir Muxumed Guuleed (Camash) uu ku metelo doorashada golaha deegaanka ee degmada Gabiley, islamarkaana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo si rasmi u guddoomay murrashaxnimada Cabdiqaadir Camash, ayaa sheegay inuu aqoonyahanku kamid yahay dhallinyarada tacabka badan gelisay xisbiga KULMIYE, islamarkaana ay aqbaleen murrashaxnimadiisa, waxana uu usoo jeediyey bulshada ku dhaqan gobolka Gabiley ay u hagar baxaan taageeradooda iyo codkoodaba sidii uu murrashaxani uga mid noqon xildhibaannada golaha deegaanka ee ay dhawaan yeelan doonto degmada Gabiley.

LEAVE A REPLY