Xisbiga Kulmiye Mar Hadduu Lix Iyo Toban jirsadey Wuxuu Gaadhey Xilligii Beelaha Darifyada Lagu Wareejin Lahaa

0
1120
Xisbiga KULMIYE

Marka laga soo bilaabo Tan iyo intii ka dambaysay Wakhtgii la aasaasay Xisbiga Kulmiye Waxa kusoo baxey Laba Madaxweyne oo kasoo jeedda Beesha Dhexe iyo Xildhibaano tirra badan oo iyaguna ka kala tirsanaa Dawladaha Hoose iyo Golaha Wakiilada,iyadoo marka gees kasta laga eego loo baahnaa in laga midha-dhaliyo Nidaamkii iyo hanaankii loo aasaasey Xisbiga Kulmiye oo astaan u ahaa Dooraashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland kaga duwanaatey Dalalka Geeska Afrka.

Dad baddan ayey ku adkeyd ama riyo la aheyd muddo imika laga joogo Tobaneeyo sanno aasaaskii Xisbigaasi in Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku gaadho kursiga talada dalka ee u sareeya Somaliland, isagoo ahaa aasaasihii Kulmiye markii uu ururka ahaa balse, ay suurtagal tahey in aan la rmaysneyn in uu Ku Beegsan doono halkii uu ugu talagaley.

Waxaaney dad badani ogyihiin in taa badelkeedana uu mar labaad Xisbigaasi kasoo baxey Madaxweynihii 2aad ee kasoo jeeda Beesha Dhexe oo ah Madaxweynaha xiligan talada dalka gacanta ku haya Muuse Biixi Cabdi iyadoo ay nqonayso in Xisbigu qaan-gaadh ku yahey Dimuqraadiyadii loo aasaasey, Waxa muhiim ah mar haddii uu maanta Lix iyo Tobban jirsadey waa in Xisbiga Kulmiye Hogaamintiisa iyo Gudoomiyaha lagu wareejiyaa Beeaha Darifyadda Somaliland oo ay Wakhti xaadirkan Somaliland iyo jiritaankeedu kujirto ubucdooda islamarkaana, uu wakhtigan dalku kaga badbaadayo cadaw fara badan oo hareeraheena ah.

Waxaa Maalmihii u dambeeyay baraha Bulshadu ku kulanto iyo meel walba Siweyn loogu hadalhayay Saleebaan Cali-Koore oo kasoo jeeda Beelaha Darifyadda Somaliland haba loo tuhun qaaddo Casuumadii qado-sharafta aheyd ee Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynuhu ku martiqaadeen Huteelka Guuleed ee Caasimada Hargeysa taas,oo inta la ogyahey uu ka maqnaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ee Xiligan ahna Gudoomiye/kuxigeenka Xisbiga Kulmiye, waxey taasi lamacno tahey haddii Madaxweyne Biixi taa ku adkeysto in uu Noqonayo Siyaasi kali adag oo Waligii Taariikhdu ku Xusi Doonto talaabadda Dimuqraadiyada leh ee uu Somaliland u horseeday, Waxaanay u horseedi doontaa miisaan Syaasadeed oo loogu soo hirto muddo xileedkiisa iyadoo lagaga maydhayo waxyaabihii caqabada ahaa ee soo dacey labadii sano iyo maalmaha uu talada dalka hayey.

Gabagabadii Qolyaha Xisbig ku asteynaya in ay lahaayeen Reero sida beesha uu kasoo jeedo (Wasiirka Arimaha Guduhu) Maxamed Kaahin Axmed Waxaan odhan lahaa ma noqonayso, Dimuqraadiyadu mid loogu abtiriyo qabyaalad haseyeeshee, waxey ku qurux baddan tahey I lagaga midha-dhaliyo Waxa ay u dhigan tahey in aynu kaga Duwanaano afrika inteeda kale.

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

LEAVE A REPLY