Xirsi Oo Bogaadiyay Xubnaha Isbaahaysigu U Xulay Shir-guddoonka

0
953

Hargaysa (HP): Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa bogaadiyey xildhibaanno Isbahaysigu mucaaradku isku raaceen in ay noqdaan Shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiilladda.

Waxaanu sheegay in xildhibaanadda labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani in ay ka dhabeeyaan isbedelkii bulshadu codka ku siisay, isla markaana ay isku kaashadaan meel marinta shir-gudoonka cusub.

Waxaanu yidhi “Hambalyo iyo ducaba waxaan u dirayaa shir-gudoonka labada xisbi mucaarad isku raaceen. Xildhibaanada labada xisbi mucaaradna waxaan u soo jeedinayaa in ay ka dhabeeyaan isbedelkii bulshadu codka ku siisay oo isu kaashadaan meelmarinta shirgudoonka cusub”.

Geesta kale Xirsi Xaaji Cali, ayaa xukuumadda talladda haysa u soo jeediyay in ay aqbasho guul darada kaga dhacday tiradda xisbigeedda Kulmiye ka helay xildhibaanadda holaha Wakiiladda.

Waxaanu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in aanay wakhtiga isaga luminin hanashadda shir-guddoonka golaha wakiiladda.

Waxaanu yidhi, “Xukuumadda waxaan leeyahay 30 shir-gudoon ma soo saaro, mucaaradkana kala aragti ayaad tihiin, saxna ma aha in aad geedisocodka carqaladaysaan”.

“Qaranimada dhawra oo hanneeya oo aqbala in la idinka badiyay.
Bulshooy guudka ka jira oo ilaaliya Guusha Somaliland.Waa mahadsan tihiin” ayuu yidhi hogaamiyaha Waddani.

LEAVE A REPLY