XILKU WAA AMMAANO ALLE KUGU EEGAYO SIDAAD KA YEESHO UMMADDA AAD XUKUMAYSO

0
912

Xilku waa ammaano Alle ku gallado adoomadiisa qaar ka mida,waa imtixaanka ugu adag ee Allle Aadamaha ka qaado,dhanka kale xilku waxuu ka mid yahay waxyaabaha nafta Aadamuhu jeceshahay ee Alle ku abuuray jacaylkeeda.Sidaas darteed ogsoonow masuul in aad hayso ammaano culus oo in badan oo bulshada ka mid ahi orod iyo ayaanba ay ku waayeen.Allena kugu imtixaamayo oo kugu eegayo sidaad ka yeesho ammaanada uu kuu dhiibay .

Inkasta oo fahamka masuuliyadda iyo culayskeeda madaxda maanta xilka haysa inteeda badan ay moogan tahay,waxaad arkaysaa masuul shalay waxuu khaladka iyo dhibta u arkayay ee isaga sida gaarka ah u taabatay shalay maanta ku la kacaya bulshadii uu xukumayay,isagoo amarro tudhaal la’aana ku fulinaya bulshada masaakiinta ah ee aqoon darrada,faham la’aanta iyo ku dhaqan la’aanta diinta islaamka,qabyaaladda,dhaqaallo darrada iyo shaqo la’aanta la daalaa dhacaysa .

Ugu horraynse,bal aan xasuusiyo madaxda maanta xilka haysa aayadda qur’aanka ee Alle ku caddeeyay Ammaanada iyo culayskeeda Jiska 22 aad,suuradda 33 aad,aayadda 72 aad ee Suuradda Axsaab waxuu Alle Swt ku yidhi.“Alle waxuu u bandhigay ammaanada Samooyinka,Dhulka iyo Buuraha wayna diideen in ay qaadaan iyagoo ka cudur daartay,waxaana qaaday ammaanadii Aadamaha oo ah mid dulmi badan oo jahli badan “.

Waa hubaal in ayna jirin buur maanta buur kale xukunta,sidoo kale ma jiro dhul maanta dhul kale xukuma,waxayna dhammaantood gaar-gaar u hoos tagaan xukunka Allaha awoodda leh ee abuuray Swt.Halka aadamuhu aanu noolaan karin maamul iyo kala dambayn la’aan,nolosha aadamuhuna aanay marna ka maarmayn in ay helaan hoggaan,sidaas darteed xasuusnow masuul in maalmaha aduunyadu kooban tahay aakhirana ay dambayso Allena ku gu la xisaabtami doono tallaabo kasta oo aad kula kacdo bulshada aqoon darrada,faham la’aanta iyo ku dhaqan la’aanta diinta islaamka,qabyaaladda,dhaqaallo darrada iyo shaqo la’aanta la daalaa dhacaysa.

Mar kale,waxaa iswaydiin mudan,sidee masuulku u gadanayaa amarrada kaga yimaadda masuulka ka sarreeya amma siyaasadda xukuumadda uu ka tirsan yahay?.Su’aashani waa mid muhiim u ah masuulka ogsoon in ammaanada iyo xilka ummadda uu u hayaa ay tahay mid culus Allena kula xisaabtami doono,jawaabta su’aashani waa masalo sharci ah oo culimada kuu sharraxi doonto sida aad u gudanayso amarrada kaaga yimaadda masuuliyiinta kaa sarraysa amma siyaasadda xukuumadda aad ka tirsan tahay.

Hadaadse moogan tahay culayska ammaanada iyo xilka aad ummadda u hayso oo aad qaadato amar kasta bulshadana ku fuliso amarrada uu ku siiyay masuulka kaa sarreeyaa,ogow waxaad halis ugu jirtaa in aad ku mutaysato Alle cadaabka Alle.Sida Alle qur’aanka ku caddeeyay Jiska 22 aad,suuradda 33aad, aayadda  67aad ee Suuradda Axsaab“.Waxay odhan doonaan ehlu naarku waxaanu adeecnay kuwii madaxda noo ahaa iyo masuuliyiintii naga sarreeyay waxayna naga lumiyeen jidkii toosnaa “. Waxaan masuul kaaga digayaa in aad amar walba ka qaadato Masuuliyiinta iyo Madaxwaynaha kaa sarreeya waxaan kula darddaarmayaa masuul in aad culimada ku xidhnaato waydiisana amarrada sida loo waajahayo.Waa hadaad tahay masuul maanka iyo maskaxdaba ku haya in uu Alle ku gu la xisaabtami doono ammaanada iyo xilka culus ee aad ummadda u hayso .

Ugu dambayn,waxaan qormada wacdi iyo waanada ah ku soo gunaanadi doonaa Alle ha inna waafajiyo jidka toosan iyo fahamka ammaanada culus iyo xilka laguu igmaday

Qalinkii: Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley Somaliland

LEAVE A REPLY