Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo soo dhaweeyay furista Ururada Siyaasada

0
688
????????????????????????????????????

Hargaysa (HargeisaPress):- Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay qudbadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka jeediyay fadhigii si wadajirka ahaa ee ay isugu yimaadeen Baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa soo soo dhaweeyay qudbadii Madaxweynaha Somaliland ka jeediyay Baarlamaanka,waxaanay intaa ku dareen in loo baahanyahay in la furo Ururada Siyaasadda.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ugu horrayn ka dareen celiyay qudbaddii Madaxweynaha,ayaa yidhi. “Khudbadii Madaxweynaha Somaliland ka jeediyay Baarlamaanka waan soo dhawaynayaa iyada oo isku duuban qodobka ugu wayn ee Saamaynta ku leh dalka waa Furista Ururada Siyaasada,waxaanan qabaa in dalku u baahanyahay in la furo Ururada Siyaasada faa,iidada ay u leedahay dalka waxa weeye Doorashada ayaa dalka ka dhacaysa in badan ayaa nala lahaa Doorashooyinka ayay hor hortaagan yihiin,Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanada dalka in doorasho Sannadkan dalka ka dhacdo si ay usoo noolaato Dimuqraadiyadii caqli maaha mana qurux badna in saddexdii oday ee is sharaxay Sannadkii 2017 kii ay hadana Sannadka 2020 ay isa soo sharraxaan oo Madaxweynayaal
doonayaan,Waxa aynu samaysanay Xisbiyada in aynu Beelaha ka guurno waxaan qabaa inay Qaranka ceeb ku tahay,waxaana qurux badan in isbedel Siyaasadeed ku yimaado dalka oo dadku isbedelaan waana in xeerarka la adkeeyo,waxaana loo baahanyajhay in dib loo eego xeerarka Doorashooyinka oo murashaxiinta Madaxweynaha isku soo sharaxa ee soo bixi waaya in aanu dib isku soo sharixin xeerka lagu qoro taasina waxay keenaysaa in Beelaha laga guuro oo Xisbiyada la tayeeyo,”.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise ayaa waxa uu soo dhaweeyay Khudbadii Madaxweynaha Somaliland ka jeediyay fadhigii wada jirka ahaa ee labada gole baaramaan Baarlamaanka iyo furista Ururada Siyaasada.waxaanu yidhi“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweynuhu khudbadiisa ku soo qaatay waa furista ururada Siyaasada iyo Xisbiyada waxaanu madaxweynuhu ku sababeeyay furista ururada Siyaasada Madaama Goleyaashii Deegaanada dalka oo muddo xileedkoodii dhamaaday murankii Xisbiyada oo batay waxaanu Madaxweynuhu yidhi xalka kaliya ee la samayn karaa waxa weeye ayuu in la furo ururada Siyaasada,waana arin aad iyo aad u muhiima Xeerka 14 ayuun baa wax ka bedel iyo kaabis lagu samaynayaa,Waxa kale oo uu Madaxweynuhu caddeeyay in aanu farmaajo inoo iman Karin arintaas oo buuq innagu keentay waxaanu Mdaxweynuhu ka yeelay sidii laga filayay,waaayo laba waddan ayaynu kala nahay Somaaliya markaa Farmaajo ayaa iska imanaya Hargaysa waa ku soo boodo awalna macquul umay muuqan,”.

LEAVE A REPLY