Xildhibaano Ka Hadlay Xaaladda Ceel-Afweyn, Xukuumadda Ku Dhaliilay Inay Doorkeedii Ka Gaabisay

0
1167

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay dagaalka keenay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay deegaano ka tirsan Degmada Ceel-afweyn ee dhexmaray beelaha wada dega Deegaankaas, waxayna sheegeen in Xukuumaddu aad uga gaabisay soo af jaradi colaada labadan Beelood.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale iyo Xidhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray labada Beelood ee dagaalku dhexmaray, waxayna ugu baaqeen inay dagaalka joojiyaan oo ay nabada qaataan.

 Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale

Xidlhibaanka ayaa isagu si gaar ah u tilmaamay inay Xukuumaddu masuuliyadii looga baahnaa inay wax kaga qabato colaadan in aanay ka gudan oo ay ka gaabisay, waxaanu yidhi “Dagaalkan dhexmaray labadan beelood, ee wada dega maaha markii kowaad, ee marar hore ayuu dagaalkani dhacay, oo dad badan baa ku dhintay, Xukuumadduna aad bay uga gaabisay inay ka gudato waajibaadkii ay wax kaga qaban lahayd, colaada labada beelood, dagaalkana maaha wax soke  ee waxay ahayd Xukuumaddu inay raadiso halka uu salka ku hayo, iyo waxa soo cel-celinaya, haddii aan maanta laga hor tagin, oo aan waxba laga qaban intan wuu ka sii cuslaanayaa,oo aano iyo wax dhib ka sii daran baa iman karaya, ALLE kama dhigee,  ee Xukuumaddu waajibkeeda ha ka guduto, oo wax ha ha ka qabato,cid walba oo gacan ku lehna waa in talaabo laga qaada, oo sharciga la hor keena, labadan Beeloodna waxaan leeyahay dhiig aad daadisaan wax faa’iido ah oo uu leeyahay ma jirto, ee akhiradiina u tudha, oo heshiiya, colaadana iska daaya”.

 Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale,

Xildhibaankan  ayaa isna sheegay inuu aad ugu xun yahay dagaalkan labada Beelood, waxaanu si gaar ah fariin ugu diray Madaxweynaha, oo uu ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan uu wax uga qabto, waxaanu yidhi “Dagaalka halkaas ka jira ee soo noq-noqday, waa aafo qaran oo dalka iyo dadkaba soo gaadhay, inay Dawladdu ka gurmantana waa loo baahan yahay, markaas waxaan leeyahay Beelaha Somaliland waa inay halkaa awooda saaraan, gaar ahaan Beelaha Galbeedka, haddii dagaalku sidaas ku sii socdo dadkani wey dhammanayaan, oo meel cidlo ah ayaa loo iman doonaa, dabkaasina cidna dhaafi maayo, ee cid walba wuu gaadhi karaa, wax weyn oo la isku hayo oo inoo muuqdaana meesha ma yaalo, dhul baa la isku hayaa, dhulku wuu inagu fulin yahay inta uu doonaba ha ahaade, mushkilada halkaas ka taagana waa mushkilad aad u fool xun, sharciga dib ha loogu noqdo, marka hore, waa masiib qaran inaynu ilaa hadda garan kari lanahay sida dhulka loo maamulo, siday Itoobiya u maamusho dhulkeeda, siday Kenya u mamusho dhulkeeda, sida uu u Maamusho Ingiriisku dhulkiisa wixiiba waa la hayaa, markaas dhul lama maamuli kari waayin, ee malaa in sidan la iskugu dhammaado waa loogu talagalay, runtiina aad iyo aad baan uga xumahay dagaalkan dhacay, ee keenay dhaawaca iyo dhimashada, runtiina waa kaa dhimay, oo kugu dhimanay, balaayana lagama daba tago ee waa laga hor tagaa, waxay ahayd in markii horeba aad looga sii feejignaado, oo wax laga qabto, sida muuqatana waxa lagu dagaalamaya waa dhul iyo deegaan, ee waxa haboon inay si toos ah Xukuumaddu xal uga gaadho dhibaatooyinka dhulka, sida muuqatana muranka dhulku wuxuu noqday aafo qaran, oo maanta waxa ugu badan ee dadku isku laaya, iskuna khilaafa waa dhul, ee Madaxweyne haddii aan maanta waxba laga qaban oo xal aan loo helin khilaafaadka dhulka, beri ka maalin wey ka sii xumaanaysa, mar aan aan anigu tagay Ruwanada, waxaan ka soo faa’iiday arimo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin deganaansha dhulka ee Dalka Riwanada, oo ah wadan aad u yar,  dhul aad u kooban oo si fiican loo qorsheeyey ayaa ilaa toban milyan oo qofi degan yihiin, inaguna inagoo aad u kooban baynu haddana dhul iyo wax la mid ah isku dilaynaa, kolay wixii talo ah ee ku saabsan dhulkana Madaxweynaha waanu u gudbin doonaa, laakiin waxaan Madaxweynaha leeyahay Madaxweyne dadkii dhulkii iyo buurihiiba aad bay ugu mameen, ee wax ka qabo, oo qorshe fog ha laga yeesho arimaha dhulka, si xal waara loogu helo dhibaatada ka dhalan karaya, labada Beelood ee is laayeyna waxaan leeyahay dagaalka joojiya, oo baaqyada nabada ee la idinku baaqayo qaata, oo dadkiina u naxa”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane),

Wuxuu isna dhankiisa wuxuu tilmaamay inay Xukuumaddu aad uga gaabisay wax ka qabashada dagaalkan labada beelood, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Guddaha, waxaanu yidhi “Waxaan arkayaa in Wasaaraddii Arrimaha Gudduhu kaalinteedii ay qaban kari weyday, Wasiirka Arrimaha Gudduhuna doorkiisi uu gabay, arintana waxba kamuu qaban,Guurtidu barigii hore arinta meel fiican bay soo dhigeen, wixii laga daba geeyey iyo qorsea xumada timid ayaa dagaalkaas maanta sababay, umaddana waxaan ugu baaqayaa inay xabada joojiyaan, oo ay nabada dib ugu noqdaan, waa dad ehela, umadda reer Somaliland waxaan leeyahay wax-garadkeeda, madax-dhaqameedkeeda, iyo aqoonyahankeedaba waa in loo gurmado dadkan sidii nabada looga dhex dhalin lahaa, dadkii dhintay weyba dhinteen ee dadka hadda nool ha loo taliyo, oo ha la badbaadiyo,runtii waa ayaan daro in cidii qaranka masuulka uga ahayd xaaladan oo kale inay wax ka qabato, in haddana gaabis aad u xumi ku yimid, imikana anigu waxaan ku baaqayaa in cid walba oo qayb ka ah dagaalkan iyo colaadan, ama af ha kaga qayb qaatan, ama maal ha kaga qayb qaatan, ama dabada ha ka riixayaan, ama dhiirigelin iyo abaabul ha wadaan, ee waa in talaabo laga qaada, oo la qabtaa, ILLAAHAYNA waa inaga xarimay in la daadiyo dhiig dadka islaamka ah, oo waliba lagu daadiyo sabab la’aan ee labada Beelood ee iyagu dagaalamay, waxaan ka codsanayaa inay dagaalka iyo xabada joojiyaan, waana in aad looga dadaala sidii aanu dagaalkani u sii fidi lahayn,loona soo af jari lahaa”

Geeska

LEAVE A REPLY