Xildhibaannada Wakiillada oo Aqlabiyad Ku Ansixiyey Afar Wasiir iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha

0
711

Hargeisa (HargeisaPress)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta Cod ku ansxiyey Wasiirrada  wasaaradaha Caddaladda iyo caafimadka, C/risaaq Cali Cabdi iyo Cumar Cali C/laahi, Wasiir ku xigeennada wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Arrimaha dibadda C/Naasir Caydiid Maxamed, C/Qaadir Cumar Jaamac Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe.

Fadhigii maanta  Golaha Wakiillada Somaliland oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda C.risaaq Siciid Ayaanle ayaa Mudanayaasha u akhriyey Taariikh nololeedka,Aqoonta iyo Waayo aragnimada shaqo ee ay Leeyihiin Mas’uuliyiintan uu Madaxweynuhu Magacaabay ee Golaha Wakiiladda Loo soo gudbiyay.

Intaas kadib Wasiiradda Wasaaradaha Caddaaladda,Horumarinta Caafimaadka iyo Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada ayaa Xildhibaanada golaha wakiiladda warbixin ka siiyay Qorsheyaasha ay ku horumarinayaan Wasaaradaha iyo Hay’adda shaqaalaha dawlada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ka dalbaday Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu inay mid mid ku ansixiyaan Mas’uuliyiintan Waxayna ku meel mareen Sidan:-

1)- Wasiirka Wasaarada Caddaaladda Md. C/risaaq Cali Cabdi, waxaa ogolaaday 48 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma jirin,  gudoomiyuhuna ma codeyn.

2)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Md. Cumar Cali C/laahi waxa ogolaaday 48 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamusatay toona ma jirin, guddoomiyuhuna ma codeyn.

3)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. C/Naasir Caydiid Maxamed,  waxaa ogolaaday 48 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma jirin,gudoomiyuhuna ma codeyn.

3)- Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Md.  Farxaan Aadan Haybe waxa ogolaaday 48 xiildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma jirin, gudoomiyuhuna ma codeyn.

4)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda C/Qaadir Jaamac Cumar waxa u codeeyey 49 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma ma jirin, sidaas ayaanay ku ansxiyeen masuuliyiintaas goluhu u coddeeyey.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here