Xildhibaanka Kamukunji Yuusuf Xasan oo Xafiis ka furtay Eastleigh + SAWIRRO

0
1096

yusuf xaNairobi,(HargeisaPress) — Xildhibaan Yuusuf Xasan Abdi oo ah mudanaha laga soo doortay degmada Kamukunji oo xaafada Eastleigh ay ka mid tahay, ayaa markii ugu horeysay xafiis cusub ka furtay xaafadaas, ayadoo xafiiskaas uu noqon doono mid loogu adeego shacabka Soomaalida u badan ee xaafadaas dagan.

Xaflada afur aheyd oo xalay lagu qabtay Islii isla markaasna ay ka qeyb galeen dad weyno fara badan iyo masuuliyiin, ayaa xildhibaan Yuusuf Xasan uu ka sheegay in xafiiskaas ay u fureen si looga jawaabo baahida dad weynaha.

“Waxaan si toos ah u fureynaa xafiis cusub oo xaafada Eastleigh aan ku yeelan doono, waxaan u sheegayaa dad weynaha in ay ii imaan karaan oo ay dhibaatadooda si toos ah igu sheegi karaan, waxaan rabnaa inaan wax ka qabano cabashooyinka dad weynaha oo dhan” ayuu yiri Mudan Yuusuf Xasan Cabdi.

yusuf xas

Sidoo kale Yuusuf Xasan  oo ka hadlay howl-galo dad badan lagu qabtay oo bishii la soo dhaafay ka dhacay xaafada Eastleigh, ayaa sheegay in 29 askar maxkamada loo soo taagi doono dambiyo ay sameyeen intii howl-galkaas uu socday, asagoona intaas ku daray in la badalay OCS-kii Saldhiga Booliska Pangani lana keenay mid cusub.

Yuusuf Xasan wuxuu sidoo kale ka hadlay amaanka xaafada, dad la’ layahay iyo kuwa la dilay, asagoona sheegay in ay baaritaan ku hayaan cidii ka danbeysay dilkaas oo ay kala hadleen madaxda amaanka iyo kuwa ugu sareyo dowlada.

Dhanka kale waxaa ka hadlay xafladaas Wakiilka Golaha Deegaanka Waqooyiga Eastleigh Osman Adow Ibrahim oo sheegay in la sameyn doono taleefoono gaar ah oo ay la soo xiriiri karaan dadka Eastleigh degan marka ay askartu qabtaan. Ayadoona Guddoomiyaha nabada-galyada Eastleigh Ahmed Security iyo koox dhalinyaro ah ay ka shaqeyn doonaan arrimaha la socoshada dadka ay askarta qabtaan iyo meesha la geeyo, sida uu sheegay Wakiilka Golaha Deegaanku.

Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Eastleigh Sheikh Ibraahim iyo Sheekh Mohamed Ibraahim Shakuul oo ku hadlay Afka Ganacsatada, ayaa si isku mid ah ayaguna u soo dhaweeyay Xafiiskaas cusub ee Yuusuf Xasan uu ka furtay Eastleigh. Waxeyna ku booriyeen dadka Eastleigh degan iney ku soo wargaliyaan xafiiskaas wixii dhib ah oo ay arkaan.

Najah Mohamed Ali
Najah.moha@gmail.com | najah.moha@journalist.com
Nairobi – Kenya

LEAVE A REPLY