Xildhibaanada Mucaaradka oo Ka Shiray Xaaladda Cakiran Ee Dalka

0
1348

Hargeysa (Hargeisa Press) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ugu jira xisbiyada mucaaradka, ayaa maanta kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda cakiran ee dalka, waxayna warbaahinta u sheegeen waxyaabaha kasoo baxay kulanka ay yeesheen oo sida ay xuseen ay ka qaybgaleen ku dhowaad soddon xildhibaan.

Xildhibaan Axmed Jaamac Saalax oo ka mid ah xubnaha warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada kulanku yahay mid wadatashi ah oo mudanayaashu wax iska weydiinayaan xaallada dalka, isagoo sheegay murranka iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jiraa aannu ahayn sida loo farsirayo.

“Waxaan halkan isugu nimi si aan wax isaga weydiinayo xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, xorituqawlka iyo maceeshada, waxaan nahay xildhibaanada labada xisbi ee mucaaradka UCID iyo WADDANI iyo weliba xildhibaano kale oo taageersan Ururrada la furay.”ayuu yidhi.

“Waxaan doonaynaa inaa xukuumadda iyo shacabka u kala diro farriimo, waxa laysku hayaa waa doorasho iyo doorasho qabanmayno, ayuu raaciyay, wuxuuna sheegay xildhibaan Axmed Jaamac in si khaldan loo majara habaabiyay shacabka oo la yidhi, “Xisbiyadu waxay diidan yihiin Ururrada, Xisbiyadu ma diidana Urrurada in la furo, taas maaha oo Ururrada hadaba way socotaa diiwaangelintu.”

Xildhibaan Axmed Jaamac Saalax, wuxuu sheegay in labada doorasho mid xeer jideeyay midna dastuurku jideeyay, sidaa awgeed, waxa murranku ka jiraa sidee ayay u kala mudan yihiin, doorashada soo horaynaysaa waa tee, taas ayaa murranku ka taagan yahay, waana ta keentay in cid walba sharciga gacanta ku qaadato.” ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay mudaharaadyada ay ku baaqayaan mucaaradku oo xukuumaddu ku tilmaantay in ay yihiin kuwo aan sharci ahayn, balse wuxuu sheegay in axsaabta mucaaradku xaq u leeyihiin in ay mudaharaad isugu soo baxaan.

“Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah oo aan cidna ka qaadikarin, waxaan arkayay Booliska pp habeen walba lasoo fadhiya warbaahinta lama mudaharaadikaro oo rasaas ayaanu la dhacaynaa cidda soo baxda, markaa waxan garan waayay goorta Boolisku noqday Xisbiga KULMIYE.” ayuu yidhi. Xildhibaan Axmed Jaamac Saalax.

“Boolisku wuxuu dadka ku ilaaliyaa sharciga, annaguna sharcidaro ma wadno,, markaa ma garanayo marka Taliyaha Boolisku leeyahay rasaas ayaa lala dhacayaa, annaga oo xildhibaanadii ah ayaa la wadna axsaabta mucaaradka mudaharaadka qoryana ma sidano, waxa kale oo aan siweydiinayaa Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha guddaha labaduba waa mujaahidiin usoo dagaalamay xorriyadda, Taliyaha Booliskuna wuxuu yidhaahdaa waan soo dagaalamay, markaa xaggee lagu arkay qof dadkii uu lahaa waxaan usoo dagaalamay xorriyadooda u diidan in ay xorriyadooda u dhaqdhaqaaqaan oo mudaharaad sameeyaan. Mudaharaadkaasi wuu dhacayaa si nabad ah ayuu u dhacayaa” ayuu yidhi.

Sidoo kale, qaar ka mid ah xildhibaanada kale ee ka hadlay kulankaa, ayaa sheegay in mudaharaadka ay ku baaqeen axsaabta mucaaradku yahay mid si nabad ah u dhacaya, isla markaana aannay jirin wax sharci ah oo diidaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here