Xildhibaanada Mooshinka Ku Baaqey Ee Gabiley Xaalkoodu Waa (Dhurwaagii Roobku Ku Onkodey Ee Meeluu U Cararo Garan Waayey). By: C/Raxmaan Jeesto

0
1544
Maayarka Gabiley

Adeer  hadaanu  reer  gabiley  nahay  ka  yeeli  mayno  ruuxna  inuu  fadqaladeeyo  amuuraha  caamka  ah  taasi  waxaan  uga  socdaa  Mudanayaasha  xiligan  mooshinka  ku  baaqayaa  miyaaney  ogayn  in  xiligani  ay  arimuhu  xaasi-xaasi  yihiin  oo  ay  ina  sugayso  kaadh  qaadasho  balaadhani  oo  hawlaheeda   iska  wadata,  markaa  maanta  ninka  ku  meeraysta  mooshino  iyo  xil  ka  qaadis   waxaanu  u  aragnaa  nin  isagu   ka  soo  hor-jeeda  horumarka  gabiley,  hanaqaadka  deegaankiisa   iyo  waliba  halka  geediga    la   furayo  oo  ah  iney  gabiley  ku  jirto  tar-tan  dhigeeda  kale  ah.

Markaa  maanta  ma,aha  in  waxaa  lagu  wareego  waxa  laga  rabaa  xildhibaanada  iney  is  bar-bar  taagaan  hogaankooda  oo  ay  kala  shaqeeyaan  wacyi-galinta  kaadh  qaadashada  maadaama  ay  fooda  inagu  soo  hayso ,  ninkase  wax  kale  qod-qodayaa  een  umadiisa  u  shaqaynayn  waxaan  leenahay  adeer  hadaad   umada  aayer  dhex  joogi  weydo  waxaad  ku  adimi  waa  lay  kari  waayey,  waayo   maanta  bulshadu  meel  bay  u  wada  jeedaa  dhican  kaliyaatana  way  wada  tahay  ninka  ka  leexdaa  isagaa  is  hafiyey ,  aragtida  shicibka  ee  ku  aadan  alooska  mooshinku  waxay  tahay  in  fahmayaan  in   yaga   xaqooda  iyo  codkooda  laga  majara-habaabinayo  maxaa  wacey  nimankani  lafoodey  wax  u  doonayaan  uma  socdaan  dan  qaran,  waa  wada  dhuuntaan  ka  hadlaa  ,  bal  horta  yagu  haysu  noqdaan  immisa  jeer  bay  mushaharka  korodhsadeen.

Ku  darsoo  ma  ciil  baan  qabbi  lahaa   hadey  yaga  uun  ay  ku  kooban  tahay  arinkani  balse  waxaa  ku  jira  gacmo  aad  u  liita  oo  umada  reer  gabiley  heer   qaran  u  matala  kuwaasoo  ku  guul  dareystay  arimaha  gabiley  isla  markaana  laga  anba-bixiyey  oon  soo  gali  kareyn,  waxaa  cid  kasta  aad  uga   xumaatey  nimanka  xaasidiinta  ee  umadu  ka  miisan  waydey  xil  gudasho  la,aan  awgeed  ee  hadana  noo  soo  dhex  fadhiistey  golaha  degaanka  ,  kuwaasoo  ah  xubno  wasiiro  iyo  agaasimayaal  heer   qaran  ah  kuwaasoo  ku  guul  dareystey  iney  guide  gareeyaan  ama  lead  gareeyaan   guud  ahaanba   siyaasada  ay  matalaan  ee   gobalka  gabiley.

Soomaalidaa  tidhaahda  (Dibbiga  Qal  Weyshu  Ha  Ku  Quus  Qaadatee)  Adeer  xubahaasi  heer   qaran   waxaan  leenahay  hadaad  ka  dhamaan  weydaan  horumarka  gabiley  iyo  arimaheeda  isu  duba  ridan  kabihiina  aya  raran  laydinku  gurayaa  waxaana  la  sameynaa  in  wasiir  kasata  iyo  agaasime  kasta  possitionkiisa  in  bidh  la  soo  dhigo  oo  loo  tar-tamo  markaa  umada  haysu  toosinina  waxaad  isu  darsateen  tayo  la,aan  iyo  matalaada  adeer  handidaadna  hadaad  noogu  dartaan  ogaw  dib  laydiin  maqli  mayo  ,  mar  hadaad   gabteen   gudashada  xilkiinii  oo  halkaad  dadka  ka  wacyi-galin  lahaydeen  aad  idinku  fooda  isu  galineysaan ood  mocooyada  aad  kala  jeexaysaan  walaalihiin,  ooy  daan  danayn  wada  dhalashadii,  matalaadii,  odeynimadii,  muunadii  saaxada,  intaa  midna  anagana  waxa  nala  gudboon  inaan  mudankiina  ini  marsiino.

Tani  Xildhibaanada  yaga  waxaan  odhanayaa  ninka  hogaaminaya  waa  la  wada  garanayaa  wuxuun  baan  isaga  leenahay  adeer  waxaad  noqotey  bahalka  waraabaha  la  yidhaahdo  oon  isagu  aqoon  abaalka  iyo  wax  dhigashada,  Kaasoo  hadaba  waxa  la  yidhi  markuu  roob  ku  onkodo  dhalan-habaaba  oo  meeshuu  ka  tagey  iyo  kala  garan  waaya  meesha  uu  ku  socdo,  inta  badan  dhurwaaga  marka  xaalakani  la  soo  darsoo  barigii  ugaadhsiga   waa  laga  faa,iideysan  jirey  isagoo  saantiisa  loo  dan  lahaa  ,  markaa  xildhibaan  roobkii  kugu  onkodey  dabadii  waad   marin-seegtay  oo  waxaa  gacanta  kugu  dhigey  dawri  dibjir  ahaa  kii  baana  kaa  faa,iideystay  xaalkaaniiga  waa  kaa  noqdey  inaad  aduu  kaligaa  is  duqeyso,  ood  kaligaa  isla  ciyaarto,  ood  kaligaa  is  cumaamado  adooney  shimbiri  kula  socon,  kuwa  kale  la  socda  waxaan  odhani  waar  yaan  laydin  lugo,ynin  waayo  ninkani  wuxuu  garaacayaa  geedka  laantii  uu  ka  saarnaa  markaa  gababadu  waa  wada  go,a.

C/Raxmaan Jeesto

abdiraxmaanjeesto111@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here