Xildhibaan Qodax Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Xildhibaanno

0
448

Hargaysa (HP): Xildhibaan C/naasir Qodax, oo ka mida golaha Wakiiladda cusub ee Somaliland ayaa maanta qado sharaf u sameeyay xubno xildhibaanno ah.

Munaasibadaasi qado sharafta ahayd ayaana ka qabsoontay hudheelja Maansoor ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana ka soo qayb galay musharaxa guddoomiyaha golaha Wakiiladda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), xubno ka mida xildhibaanadda cusub.

Xildhibaan Faratoon, oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa xildhibaan Qodax uga mahad celiyay qado sharaftaasi uu u sameeyay.

“Maanta waxaan Ambassador Hotel, Hargeisa kaga qayb galay Hadhimo sharafeed uu noo sameeyay musharax Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada JSL Md. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)”.

“Waxaana Hadhimo Sharafeedkaas Goob Joog Ahaa Wasiirka Wasarada Warfaafinta Saleeban Cali Koore,Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Muuse Ibraahim Salef.

Musharaxa Gudoomiye Ku Xigeenka Kobaad Ee Golaha Wakiilada
Siciid Mire farax ( Giire) Iyo Qaar Kamid Ah Xildhibanada Golaha Wakiilada JSL” ayuu ku yidhi xildhibaan Faratoon, qoraal uu bogiisa Facebook soo dhigay.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here