Xildhibaan Maydhane: Waxaanu Ka Tagnay Caddaalad Darada Muuse Biixi

0
2234

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa ku dhawaaqay in uu taageerayo isbahaysiga xisbiyada mucaaradka.

Xildhibaan Maydhane ku biiritaankiisa xisbiyada mucaaradka, ayaa timid kadib markii xildhibaanada gobolka Awdal ay iska dhex waayeen xubnaha Kulmiye shirgudoonka Wakiillada u sharaxay.

Waxaa uu Xildhibaan Maydhane sheegay in Madaxweyne Biixi uu caddaalad daro kula kacay xildhibaanada gobolka Awdal ee xisbiga Kulmiye oo aanu waxba ka siin shirguddoonka Wakiillada xildhibaanada gobolka Awdal.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye sababta ay uga tageen ay tahay caddaalad darada ka jirta xisbiga, kadib markii shirgudoonkii beelo kale la siiyay.

Sidoo kale, xildhibaan Maydhane, ayaa sheegay in sababta uu mucaaradka ugu biiray ay tahay inuu Madaxweynuhu noqday Madaxweyne Isaaq, maadaama oo ay doonayeen Madaxweyne Somaliland-ah, wa sida uu hadalka u dhigee.

Arrintan, ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro loolan xoogan oo ku aadan doorashada shirgudoonka golaha Wakiillada oo u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga muxaafadka ee talada dalka haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here