Xildhibaan Kenyan ah: Farmaajo Cag Ma Soo Saari Karo Dalkeena

0
820

Nairobi (HargeisaPress)- Xildhibaan caan ah oo ka tirsan xisbiga Jubilee ee talada haya, aadna ugu dhow madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa, oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado tallaabooyin adag.

“Waxaan ku qasaarinaa nafta askarteena si aan u taageerno dowladda daciifka ah ee Soomaaliya” ayuu yidhi xildhibaan Moses oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal dheer.

Waxa uu sheegay in la gaadhay xiligii laga aargoosan lahaa Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay dhawr arrimood in looga aargoosto Soomaaliya

1.In madaxda iyo ganacsatada Soomaalida ee guryaha iyo gacansiyada ku leh Kenya laga eryo dalka

2.In la dhiso darbiga xuduudda

3.In la xidho xerooyinka qaxootiga

4.In madaxweyne Farmaajo oo uu isaga ku sheegay in uu yahay Muwaadhin Norwegian ah aanu cag soo dhigin Kenya.

Hadalkan ayuu xildhibaanka sheegay xili xabsiga loo taxaabay xildhibaan kale oo jeediyay hadalo kicin ah oo ku saabsan dadka ajaaniibta ah ee Kenya ku saabsan, balse weli ma jirto wax laga yidhi hadalka Moses Koria.

Illo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Farmaajo aanu soo marin hawada Kenya markii uu dhowaan safarka ku tagay dalka Koonfur Afrika, si uu uga qeybgalo xafladdii caleemo saarka madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Sidoo kale waxaa aad u yaraaday safaradii ay wasiiradda, xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta kale sida joogtada ah ugu imanayeen Kenya kadib markii garoonka Jomo Kenyatta laga celiyay wasiiro iyo xildhibaano ku safrayay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

HargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here