Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland oo Geeriyooday

0
1103

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, kaasi oo muddo shan maalmood ah u jiifay xannuun ku soo booday Cisbitaalka Royal ee caasimadda Hargeysa.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre waxa uu ka mid ahaa Xildhibaannada waayo-aragga ah ee Golaha Guurtidda, waxaanu golaha ku soo biiray sannadkii 1993kii. Muddaas dheerna wuxuu ahaa xildhibaannada kaalinta weyn ka soo qaatay nabadeyntii iyo dib u dhiskii dalka.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskiisii, ehelkii  iyo Golaha Guurtidda ee uu ka baxay Marxuum- Nuur Rayaale Khayre oo ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo ummadda reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA u xaqiijiyey in Marxuum-Nuur Rayaale Khayre maanta lagu aasayo magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here