Xildhibaan Ka Hadlay Biyo Yaraan Ka Taagan Deegaamo Ka Torsan Gabiley

0
404

Gabiley (HP): Xaalad biyo la’aaneed iyo mid abaareed ayaa laga soo sheegayaa deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley.
Xili ay guud ahaanba goboladda Somaliland gaar ahaana goboladda barriga ka taagan tahay abaareed iyo mid biyo la’aaneed.
Sida uu sheegay C/qaadir Maxamed Faarax, oo ka tirsan golaha deegaanka degmadda Gabiley, biyo la’aanta ayaa ka taagan deegaamadda dhinaca hawdka Gabiley.
Inkastoo ay jiraan qaar ka mida murashaxiinta u tartamaya doorashooyinka ee Gabiley oo dhawaan biyo dhaamis ka sameeyay deegaamadaasi.
Hadana waxaa weli ka jirta xaalad biyo yaraaneed, sida uu sheegay xildhibaan C/qaadir Maxamed Faarax, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Gabiley.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY