Xildhibaan Ka Dayriyay Xaalada Abaareed ee Dalka ka Taagan

0
534

Hargaysa (HP):  Xildhibaan Axmed Daahir Jirde, oo ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa ka warbixiyay xaalado abaareed oo uu kuu ku soo arkay qaar ka mida gobolada galbeedka dalka oo uu socdaal shaqo ku tagay.

Xildhibaanka oo u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay in xaalad abaareed oo baahsani ay ka jirto gobollada galbeed ee Somaliland, isagoo sheegay in dadkii jiidahaas ku noolaa ay hayaameen oo aanay joogin deegaannadoodii.

Dhanka kale, xildhibaanku waxa uu xusay in dadka ku dhaqan deegannadaasi badi aanay qaadan kaadhkii codbixinta sababo la xidhiida xaaladda abaareed ee deegannadaasi ku habsatay, waxaana uu ugu baaqay komishanka dooraashooyinka qaranka Somaliland inay dib u eegaan arrintaasi.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here