Xildhibaan Indho-indho Oo Dawladaha Jaarka Uga Digay Qorshe Ay Wadaan Maamulka Puntland

0
1036

Hargeysa , (HargeisaPress) —Xildhibaan Indho-indho oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ku baaqay in la ixtiraamo bisha barakaysan ee lagu jiro ee Ramadaan, isla markaasina laga dheeraado in dhiig qof muslim ah la daadiyo, gaar ahaan xildhibaanku wuxuu baaqan u diray maamulka Puntland ee duulaanka ku soo qaaday ciidamada Somaliland ee fadhiya aagga Tuka-raq.

Xildhibaan Indho-indho oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa waxa uu yidhi ““cida wada dagaalka waxaan leeyahay waar joojiya, waliba nimanka aanu tolka nahay baa aad u dhiiran oon la hadlayaa. Nimanka aanu isku dawladda nahay way na maqlayaan oo na ixtiraamayaan oo beesha caalamkana way ixtiraamayaan, laakiin nimanka aanu tolka nahay ee aanu walaalaha nahay, inay kala garan la’yihiin walaalnimadii iyo dawladnimadii. “

Xildhibaan Indho Indho oo hadalkiisa sii wata ayaa baaq u diray wadamada jaarka la ah somaliland waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa dawladda Itoobiya, dawladda Kiiniya iyo dawladda Jabuuti, haddii qololadaa aanu tolka nahay (Majeerteen) waxa ay wado ee ay leedahay Dhulbahante iyo Warsangeli waa qabiilo, waxaanu uga digaynaa inay beritoole Daaroodka Itoobiya qabsan doonaan, Ka Kiiniya qabsan doonaan, waa Fidno cusub oo aanu ka digayno.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here