Xildhibaan Guruuje oo Turkiga iyo Soomaaliya uga digay faro-gelinta Somaliland

0
2925

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay wadahadallada magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga socda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xildhibaan Guruuje oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta golaha Wakiillada, ayaa wuxuu sheegay in dowladda Turkigu mar walba ka soo horjeedo jiritaanka qarannimada Somaliland.

Wuxuu sheegay in Turkigu uu ku xadgudbayo kuna tumanayo xorriyadda dowladnimada ee umadda reer Somaliland, isla-markaana ay cadaatay in Turkigu weligiiba Somaliland ka waday shirqool.

Xildhibaanka, ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay inay ka waantowdo falalka cadaawada ah ee ay ula badheedhayso Somaliland.

Xukuumadda Somaliland, ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ah war uga soo saarto cadaawada qaawan ee uu Turkigu ku hayo Somaliland.

Xildhibaan Guruuje, ayaa digniin culus u diray Xasan Sheekh iyo maamulkiisa, waxaanu uga digay farogelinta ay ku hayaan Somaliland.

Shacabka Somaliland, ayaa waxaa uu ugu baaqay in dalkooda ka difaacaan cadowga ku soo duulay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here