Xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo maamusay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Waqooyiga America

0
640

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa waxaa uu maanta munaasibad hadhimo sharafeed ah ku maamuusey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Waqooyiga America, Mustafe Cabdi Cartan.

Munaasibadan hadhimo sharafeedka oo ah ee Xildhibaan Cabdinaasir Qodax ku maamusay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Waqooyiga America, ayaa ka dhacday Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibada ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Guddoomiye, ku-xigeenka sadexaad. Xoghayaha guud, xubno ka mid ah Guddida Fullinta Xisbiga iyo badiba Habweynta Xisbiga KULMIYE.

Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga KULMIYE, ayaa waxaa ay Xildhibaan Cabdinaasir Qodax uga mahadnaqeen munaasibada maamuska ah ee uu u sameeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Waqooyiga America Mustafe Cabdi Cartan iyo sida uu marwalba u garab taagan yahay masuuliyiinta Xisbiga.

Hoos ka daawo muuqaaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here