Xildhibaan Bidhi Oo Madaxweyne Biixi Ku Bogaadiyay Waxqabadka Uu Dalka Ka Hirgaliyay

0
633

Burco (HP): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku bogaadiyay waxqabadka muuqda ee uu dalka ka hirgeliyay mudadda uu xilka hayay.

Waxaanu xildhibaan Bidhi, si weyn u soo dhaweeyay buugga waxqabadka xukuumadda talladda haysa ee Somaliland oo ay wasaaradda warfaafintu ku qaybisay magaaladda Burco.

Xildhibaan Bidhi, oo maanta warbaahinta kula hadlay Burco, ayaa madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisaba ku amaanay waxqabadka muuqda ee ay guud ahaanba dalka jamhuuriyadda Somaliland ka hirgelisay gaar ahaana gobolka Togdheer.

Sidoo kale xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi, waxa uu ku baaqay in mashaariicdii la qorsheeyay in laga fuliyo gobolka Togdheer ee aan hirgelin in la fuliyo sanadkan 2020-ka, mashaariicdaasi oo uu ka mid yahay dhismaha xarunta Darbi-jiifka Burco.

Geesta kale xildhibaan Bidhi, waxa uu madaxweynaha ugu baaqay safarkii uu Sabtidii todobaadkan ku tegay dalka Itoobiya, safarkaasi oo uu sheegay mid guul weyn u soo hooyay qaranka Somaliland.

Dhinaca kale xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa madaxweynaha Somaliland ka codsaday in la dhiso garoonka diyaaradaha Burco sidii uu balan qaaday xiligii ol’olihii doorashaddda.

Waxaanu tilmaamay in guud ahaanba bulshadda ku nool goboladda Bariga Somaliland ay baahi weyn u qabaan madaarkaasi, isla markaana dhawaan wasiirka jidadka iyo gaadiidku sheegay in lacagtii lagu dhisi lahaa ay diyaar tahay.

Halkan Ka Daawo Xildhibaan Bidhi Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here