Xildhibaan Bidhi Oo Golaha Deegaanka Sheffeild Kala hadlay Iskaashi ay la yeesheen D. Hoose Burco

0
1114

London , (HargeisaPress) —Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) ayaa maanta kulan la yeeshay Xoghayaha lord maayarka Sheffeild Mrs anne flounders, oo uu kula kulmay xaruntooda Sheffeild city council, waxaanu gudoon siiyay warqad rasmi ah oo uu uga siday Golaha Deegaanka degmadda Burco oo uga mahad celiyay Golaha deegaanka ee magaaladaas aqoonsigii ay siiyeen dhawaan jamhuuriyadda Somaliland.

Warqadda uu Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi gacanta ka saaray Xoghayaha Maayarka Sheffeild, waxa ku saxeenaa Maayarka Burco. Waxaana dhambaalkaasi ku qornaa “Annagoo ah Golaha Deegaanka ee Burco iyo shacbiga Somaliland-ba waxaanu uga mahad celinaynaa Golaha deegaanka ee Sheffeild aqoonsigii aad siiseen Somaliland.” Sidoo kale qoraalka Golaha Deegaanka Sheffeild la gudoon siiyay waxa Golaha deegaanka Burco kaga warameen in iyaguna ay kaga dareen celiyeen tallaabadaasi inay xaafad ku taalla Burco ugu magac-dareen Sheffeild.
“Annaga oo ka Gole deegaan ahaan ka duulayna aqoonsigii aad Somaliland u ictiraafeen qaran madax-banaan, waxaanu kaga jawaabnay inaanu xaafadda October ee Magaaladda Burco ugu magac darno Sheffeild, waxaanan ku xalaalaynay fadhi aanu yeelanay 15/4/2014,”ayuu qoraalka lagu yidhi.

Xildhibaan Mubaarik Bidhi waxa uu u sheegay Xoghayaha Maayarka Sheffield u sheegay inay ka dalbanayaan inay si wada jir ah uga qeyb galaan sidii loo mataanayn lahaa labada magaallo. Xildhibaanku waxa kale oo uu u gudbiyay marti-qaad uu uga siday Golaha Deeganka Burco.
Xoghayaha Maayarka Sheffeild anne flounders oo kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay Golaha deegaanka hordhigayso dhambaalkan ay soo direen Golaha Deegaanka Burco isla markaana ay diyaar yihiin inay ka wada shaqeeyaan sidii labada magaalo wax wada qabsi u yeelan lahaayeen. Xildhibaanka waxa kulankaasi ku wehelinayay Mukhtaar Faarax iyo Cabdisamad Aadan Yuusuf Cilmi oo ah siyaasi ka sharaxnaa xaafada Nechels Magaalada Birmingham golihi deegaanka dhawayd 22 september 2014 cod aad u yar ku hadhay.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here