Xildhibaan Axmed Khaliif oo Xiisada Laascaanood Ku Eedeeyay Madaxweyne Biixi

0
2182

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaan Axmed Jaamac Saalax (Axmed Khaliif) oo ka mid ah Mudaneyaasha Aqalka Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Sool, ayaa waxaa uu eedaymo culus u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Axmed Khaliif oo qoraal kooban ku baahiyay Boggiisa Facebook-ga, ayaa waxaa uu Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay waxka qabasho la’aanta xiisada ka taagan magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, Xildhibaanka, ayaa ka hadlay Ciidamadii uu maanta magaalada Laascaanood la soo galay Garaadka guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Calankii Soomaaliya ee lagu soo dhaweeyay, isagoona arrintaasi dusha ka saaray Madaxweyne Biixi.

Waxaanu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi aanu habayaraatee waxdan ah ka lahayn arrintaasi ka dhacday magaalada Laascaanood, isagoona sheegay hadii uu ahaan lahaa isaga oo kale uu is-casili lahaa.

Xildhibaan Axmed Khaliif, ayaa waxaa uu geesta kale sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi aanu rabin in Somaliland isaga ka dambayso, islamarkaana uu damacsan yahay burburkeeda.

LEAVE A REPLY